Baaq iyo Taageero| XISBIGA UMMADDA wuxuu taageerayaa oo boogaadinayaa MUDAAHARAADKA HALKU DHIGIISU YAHAY (XARAASH MA FADAANO) OO AY SOO AGAASIMEEN SOMALI PRESSURE GROUP IYO XISBIGA AMNI & CADAALAD EE  LOOGO SOO HORJEEDO XARAASHKA KHAYRAADKA DALKA SOOMAALIYA EE 7-da FEBRUARY 2019 KA DHICI DOONA LONDON

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,Maqaalo,WARARKA MAANTA,XISBIGA UMMADDA |

Baaq iyo Taageero| XISBIGA UMMADDA wuxuu taageerayaa oo boogaadinayaa MUDAAHARAADKA HALKU DHIGIISU YAHAY (XARAASH MA FADAANO) OO AY SOO AGAASIMEEN SOMALI PRESSURE GROUP IYO XISBIGA AMNI & CADAALAD EE  LOOGO SOO HORJEEDO XARAASHKA KHAYRAADKA DALKA SOOMAALIYA EE 7-da FEBRUARY 2019 KA DHICI DOONA LONDON

February 5, 2019| Arlaadi Online

Xisbiga Ummadda wuxuu la wadaagaa shacabka Soomaaliyeed dareenka ay ka qabaan xaraash lagu sameeyo khayraadka dalkeena. Sidoo kale XISBIGA UMMADDA wuxuu la qabaa Shacabka Soomaaliyeed in loo baahan-yahay in laga faaiidaysto khayraadka dalka balse aan lagu deg degin.

Waa in marka hore la helaa oo la dejiyaa shuruuc ilaalinaysa danaha Qaranka Soomaaliyeed. Waa in heshiis kasta oo lala galayo shirkaddo shisheeye looga doodo Baarlamaanka dhexdiisa, ka dibna dowladu si daahfuran (transparent) ah ugu soo bandhigto Ummadda Soomaaliyeed tallabooyinka ay qaadayso.

Qodobada Aan kor ku soo sheegay dowladu ma sameeyn, dadka Soomaaliyeed-na waxba kalama socdaan shirka shidaalka Soomaaliya ee London. Sidaas darteed XISBIGA UMMADDA wuxuu kasoo horjeedaa shirka 7-da February 2019 ka dhici doona London ee u dhaxeeya Dowlada Fedraalka Soomaaliya iyo Shirkadda Spectrum Geo Inc

Waxaa sidoo kale xusid mudan oo kusoo baxaysa marka aad akhriso  maqaal uu hada ka hor Dr. Sulub uga hadlay ilaalinta khayraadka dalka oo cinwaankiisu ahaa Waxaa haboon oo weliba waajib ah in la helo 2 sifo si ay Soomaaliya u ilaashato khayraadka dalkeeda. Dr. Sulub

Kuna soo baxay Arlaadi Online bishii May 28, 2017 in Dowlada hada jirta aan  lagu Aamini karin khayraadka dalka oo aysan buuxin shuruudo badan oo loo baahnaa. 

Mar kale waxaan boogaadinayaa dhammaan Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada London gaar ahaan saaxibada Somali Pressure Group iyo Xisbiga Amni & Cadaalad oo u istaagay sidii lagu yaqiin difaaca Dalkooda iyo Mustaqbalka jiilasha Soomaaliyeed ee soo koraya. 

Image result for jiilasha Soomaaliyeed ee soo koraya

Also read: Warqadda lagu casuumay waftiga Somalia ee shirka shidaalka ee London oo shaki weyn dhalisay (Aqri)

Halka hoose a daawo shirka Guddiga qaban qaabada Mudaaharaadka London.

Cadaalad, Midnimo, Nabad, Dowlad wanaag, Barwaaqo iyo Horumar Alle ha ugu deeqo Soomaaliya. Ha guuleysto Shacabka Soomaaliyeed.

WA BILLAAHI TAWFIIQ,

Inline images 1

Ahmed Nuur Arlaadi

Gudoomiyaha Ku Meel Gaarka Ah ee Xisbiga Ummadda

Arladun@hotmail.com

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *