BAAQ IYO TACSI XISBIGA UMMADDA SOOMAALIYEED. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan ehaladii iyo qaraabadii ay ka geeriyootay Caa’isha Ilyaas Aadan

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,Maqaalo,WARARKA MAANTA |

BAAQ IYO TACSI XISBIGA UMMADDA SOOMAALIYEED. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan ehaladii iyo qaraabadii ay ka geeriyootay Caa’isha Ilyaas Aadan

February 26, 2019| Arlaadi Online

Xisbiga Ummadda waxaa uu aad uga xunyahay kana tacsiyeynayaa dilkii foosha xumaa ee loo geeystaty Allaha u naxariisto Caa’isha Ilyaas Aadan. Dilka loo geeystay Caa’isha wuxuu ahaa dil arxan daro ah oo lala beegsaday gabar yar oo Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan. Waa arrin aad looga xumado. Waxaan si gaar ah qoyska Caaisha uga tacsiyeynayaa geerida gabadhooda waxaana lee yahay dhamaanteen ‘samir iyo iimaan allaha naga siiyo’.

Xisbiga Ummadda wuxuu ugu baaqayaa Madaxda dowlada Puntland in sharciga Islaamka lagu qaado dhagar-qabayaalkii ku xadgudbay kadibna dilay Caaisha Ilyaas.

Waxaan xasuusinaynaa Madaxda dalka gaar ahaan Madaxda Puntland in xilka ay hayaan uu yahay Amaano la isweydiin doono. Ogaada in la idiin weydiin doono qof walba oo nabad galyo xumo darteed ugu dhinta deegaanada aad Maamushaan. Waxaan kale oo ugu baaqaynaa Madaxda Puntland inay gargaar deg deg ah u fidiyaan qoyska Caaisha Ilyaas.

Xisibga Ummadda, wuxuu garab taagan yahay dhamman haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan gabdhaha dalkeena oo hadda ka soo kabanaya colaado. Waxaan muujinaynaa sida aan u barbar taaganyahay iyo raali ahaanshaha ku saabsan halganka ay haweenka ugu jiraan nabadda, horumarka iyo xasiloonidda Soomaaliya.

Ugu dambeyn Xisbiga Ummadda wuxuu ugu baaqayaa dhammaan dadka reer Puntland in laga wada shaqeeyo nabad galyada iyo xasiloonida deegaanka Puntland.

WA BILLAAHI TAWFIIQ,

Ahmed Nuur Arlaadi

Interim Chairman of People’s Party of Somalia

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *