Baaq | XISBIGA UMMADDA oo taageeray dadaalka nabadeed ee u wado Guddoomiyaha Aqalka Sare Md. Cabdi Xaashi Cabdillaahi ee xalka loogu raadinayo khilaafka u dhaxeeya Dowlada Dhexe iyo Maamul goboleedyada

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,Maqaalo,WARARKA MAANTA,XISBIGA UMMADDA |

Baaq | XISBIGA UMMADDA oo taageeray dadaalka nabadeed ee u wado Guddoomiyaha Aqalka Sare Md. Cabdi Xaashi Cabdillaahi ee xalka loogu raadinayo khilaafka u dhaxeeya Dowlada Dhexe iyo Maamul goboleedyada

October 21, 2018| Arlaadi Online

Image result for bayaan KASOO BAXAY

XISBIGA UMMADDA. Wuxuu si buuxda u taageeraya dadaalka uu wado Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Soomaaliya Md. Cabdi Xaashi Cabdillaahi ee lagu doonayo in lagu soo afjaro khilaafaadka u dhaxeeya dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ay ka midka yihiin Galmudug, Koonfur galbeed, Jubaland iyo Puntland.

XISBIGA UMMADDA. Wuxuu ugu baaqayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha inay aqbalaan baaqa Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ay miiska wada hadalka yimaaddaan si shuruud la’aan ah.

XISBIGA UMMADDA. Wuxuu ku Amaanaya Guddoomiyaha Aqalka Sare welwelka iyo dareenka ay Mas’uuliyadu ka muuqato ee uu ku doonayo inay Soomaalidu arrimaheedu iyaga dhexdooda ka xallistaan, si looga maarmo faragelin shisheeye.

XISBIGA UMMADDA. Wuxuu soo dhaweeynayaa ogolaashaha ay Madaxda Maamul goboleedyadu ka ogolaaden Guddoomiye Cabdi Xaashi inuu xal u helo khilaafka daba dheeraaday ee u dhaxeeya Madaxda dowlada dhexe iyo Madaxda dowlad goboleedyada.

XISBIGA UMMADDA. Wuxuu dhaliilayaa Madaxda dowlada dhexe oo ka gaabisay doorkii hogaamineed ee kaga Aadanaa xal u helida khilaafka kala dhaxeeya Maamul goboleedyada, taasoo hadii Aan xal deg deg ah loo helin dhawaaci doonta Dowlad-nimada dalka iyo Midnimada Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale uu XISBIGA UMMADDA ku dhaliilaya Madaxda dowlada dhexe hadaladooda iskhilaafsan ee ah inay yiraahdaan Soomaaliya arrimaheeda iyada ayaa xalinaysa oo uma baahana faragelin shisheeheye, isla markaana aysan ixtiraamin dadaalka uu wado Aqalka Sare ee Soomaaliya oo uu horkacayo Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Ugu dambeeyn waxaan ugu baaqaynaa Madaxda dowlada dhexe inuu iswaafaqo hadalkooda iyo ficilkooda, mana aha markii ugu horeeysay ee Madaxda dowalada dhexe ay la imaadaan ficilo ka duwan waxa ay u sheegayaan Ummadda Soomaaliyeed.

XISBIGA UMMADDA  ayaa u taagan oo ku dadaali doona in Dadka iyo DALKA Soomaaliya loo helo Madax daacad ah oo ka run sheega ballan-qaadkooda iyo wax walba oo ay u sheegayaan shacabkeena u baahan Cadaalada, Nabada, Midnimada, horumarka iyo dowlad wanaaga.

Madaxdaas oo aan siyaasada ka shaqeeysan, balse kaliya usoo gala siyaasada u shaqeeynta iyo u Adeegida UMMADDA SOOMAALIYEED.

“A successful country is one in which everyone can work hard and build a better future for themselves and their kids. 

Together, we can build a country where all Somalis have a fair and equal chance to succeed in life.”

Cadaalad, Midnimo, Nabad, Dowlad wanaag, Barwaaqo iyo Horumar Alle ha ugu deeqo Soomaaliya. Ha guuleysto Shacabka Soomaaliyeed.

WA BILLAAHI TAWFIIQ,

Ahmed Nuur Arlaadi

Arladun@hotmail.com

Sii Hayaha Xisbiga Ummadda

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *