Bayaan | Hambalyo 21ka November maalinta macallinka Soomaaliyeed. XISBIGA UMMADDA

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,Maqaalo,WARARKA MAANTA,XISBIGA UMMADDA |

Bayaan | Hambalyo 21ka November maalinta macallinka Soomaaliyeed. XISBIGA UMMADDA

November 21, 2018| Arlaadi Online

Image result for maalinta macalinka soomaaliyeed

Aqoon la’aani waa iftiin la’aan,Waa aqal iyo ileys la’aane, ogaada ogaada walaalayaal ogaada, oo aada dugsiyada.

XISBIGA UMMADDA oo Bayaan kasoo saaray Maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo Maanta loo Dabaal Degayo.

Hambalyo Macallinka Soomaaliyeed.

Image result for somali teachers

Maanta oo ay ku beegan tahay 21-ka November, waxaa loo dabaal degayaa maalinta Macallinka Soomaaliyeed, iyadoo sanad walba sidaan oo kale loogu dabaal dego.

Macallinku waa hagaha bulshada, islamarkaana hadii aanu jiri lahayn aysan suurtagal noqon lahayn in la helo bulsho wax taqaan. Maanta shacabka Soomaaliyeed waxay u tahay maalin aad iyo aad ugu qiimo badan.

Tan iyo inta taariikhda la xuso waxa dalka Soomaaliya ka jirey markasta macallimiin iyo dad aqoon leh oo Bulshada kala dagaalama dib u dhaca isla markaasina wax bara.

Macalinku wuxuu xushmad iyo karaamo ku dhex leeyahay bulshadiisa maadaama uu soo saarayo ubaxa iyo aayaha bulshadiisa, waa tusayalayaal fiican iyo dad ku dayasho leh ama lagu faano oo bulsho kastaa leedahay.

Diinta islaamkuna waxay gaarsiisay macallimiinta martabad aad u saraysa oo maamuus iyo qadarin leh.

Somali Teachers’ Day: Here Are 2 Inspiring Quotes To Celebrate our Educators

“Those who know, do. Those who understand, teach.” Aristotle

“Let us remember: One book, one pen, one child, and one teacher can change the world.” – Malala Yousafzai

“On behalf of the People’s Party, I thank all teachers and educators in Somalia for the incredible work they do. From early childhood to secondary school and beyond, they inspire us to become the very best versions of ourselves and change the world for the better.”

HAMBALYO MACALIMIINTA SOOMAALIYEED. Xisbiga Ummadda

WA BILLAAHI TAWFIIQ,

Inline images 1

Ahmed Nuur Arlaadi

Interim Chairman of People’s Party of Somalia

Arladun@hotmail.com

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *