Daawo: Hassan Sh Mohamoud Iyo Heshiiskii Ethiopia ee Qalbidhagax loo Cuskaday

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

Daawo: Hassan Sh Mohamoud Iyo Heshiiskii Ethiopia ee Qalbidhagax loo Cuskaday. 

AYAX TAG EELNA REEB = DAMUL JADIID TAG EELNA REEB 

Khamiis September 07, 2017| Arlaadi Online 

Muqaal ka mid ah waxyaabihii keenay in Xasan Sheekh xilka laga tuuro oo Aan dib loo dooran. Xasan Sheekh ayaa yiri “ Waagaan yareen waxaa iskuulada nalagu bari jiray oo la inoo dhigi jiray inuu jiro dad iyo dal Soommaali leedahay oo gumeeysi ku jira oo in la xooreeya u baahan”.

Xasan Sheekh iyo Xildhibaan Mahad Salaad oo dhinac fadhiyay ONLF iska daaye maba aysan Aqoonsanayn inuu jiro dhul Soommaali leedahay oo ka maqan, mantana iyaga iyo taageera-yaashooda waxay u doodayaan ONLF iyo Qalbi dhagax.

Waa in ay Soomaali iska ilaaliso Xasan Sheekh iyo kooxda Damul jadiid iyo taageera-yaashooda oo Aan weli quusan inay markaan dowlad-nimada dariishada kasoo galaan iyadoo Albaabka laga saaray lix bilood ka hor, oo Aan la ilaabin halgankii laga soo maray in talada dalka laga tuuro iyaga oo qorshahoodu ahaa inay dalka xukumaan 30-ka sano ee soo socota.

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Richard Nixon.ayaa laga soo wariyay oraah ah “a man is not finished when he is defeated, he is finished when he quits”. – Richard Nixon.

Xasan Sheekh iyo Damul jadiid waa la defeat gareeyay oo laga adkaaday balse ma aysan quusan oo meel iskama fariisan, Baarlamaankana waxay ku leyihiin ilaa 90 xildhibaan oo la wada ogyahay siday kusoo baxeen.

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *