[DAAWO] Senator Faroole: Faragelin Qaawan ayay DF ku Haysaa Maamul goboleedyada + Muxuu La Xiriira safarka Senatarada Aqalka Sare ee Garoowe tagay? Senator Juriile ayaa jawaabta ku haya

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

[DAAWO] Senator Faroole: Faragelin Qaawan ayay DF ku Haysaa Maamul goboleedyada + Muxuu La Xiriira safarka Senatarada Aqalka Sare ee Garoowe tagay? Senator Juriile ayaa jawaabta ku haya

April 25, 2019| Arlaadi Online

Senatarada Aqalka Sare ee ka soo jeeda Puntland oo dib ugu laabtay Garowe ayaa sheegay in xaalada siyaasadeed ee dalka aysan faro ku jirin. Madaxweynihii hore ee puntland ahna senatar Dr Faroole ayaa sharaxaya isu imaatinkooda Garoowe.

Madaxweynihii hore ee Puntland, Senator C/raxmaan Faroole ayaa dowladda federaalka ee Soomaaliya ku eedeeyay inay faragelin qaawan ku haysa maamul goboleedyada dalka.

Faroole oo maanta Garoonka diyaaradaha ee Garoowe ku soo dhaweeyay xubno ka socday aqalka sare ee barlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maaamul goboleedyadu uu meel halis ah marayo, ujeedada socdaalka xubnaha aqalka sare uu la xiriiro sidii loo xalin lahaa ayuu yiri.

Wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka in lacago siisay qaar ka mid ah musharixiintii u tartamayay madaxtinimada Puntland, balse barlamaanka Puntland uu doortay madaxweynihii ay rabeen. Waxaa kaloo uu ku eedeeyay DF inay faragalin ku hayso doorashada maamulka Jubbaland oo la filay inay dhacdo dhamaadka sanadkan 2019ka.

 

Video: HM 

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *