Daawo: Wareysi xasasi ah Siyaasi Faarax Macalin  & xaalada Soomaaliya + Mid ka mid ah Madaxda Maamul goboleedyada oo Kenya dhigtay $38 million oo dollar

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

Daawo: Wareysi xasasi ah Siyaasi Faarax Macalin  & xaalada Soomaaliya + Mid ka mid ah Madaxda Maamul goboleedyada oo Kenya dhigtay $38 million oo dollar

February 05, 2018| Arlaadi Online

Siyaasi Faarax Macalin ayaa bixiyay wareysi dheer oo uu uga hadalay arrimo badan oo ku saabsan xaalada Soomaaliya. Mudane Faarax ayaa ugu horeyn sheegay oo yiri “Waxaan jeclahay inay soo noqoto sharaftii Soomaaliyeed, waxaana aan Aaminsanahay in hada la hayo wadadii lagu soo celin lahaa sharaftii luntay ee Soomaaliya, waxaan hada qabaa rajo aad fiican oo aan weli isoo marin”. 

Inta ka dib waxaa uu Faarax Macalin dhaliil xoogan u jeediyay Madaxda Maamul goboleedyada Soomaaliya oo uu sheegay in badankood ay yihiin jaajusiin u shaqeeya dalal shisheeye, isla markaana ay Musuq-maasuq iyo dhac ku hayaan shacabka Soomaaliyed, isaga oo tusaale usoo qaatay mid ka mid ah oo uusan Magaciisa sheegin oo Kenya dhigtay lacag dhan $38 million oo dollar si gaar ah u dhageyso daqiiqada 40-aad ee wareysiga.

Dhinaca kale Mudane Faarax ayaa sheegay in Mukhaabaraadka dalalka shisheeye ay sheegeen in ay warka Soomaaliya ku helaan lacag la’aan oo qaar ka mid ah Soomaalida ay u jaajusaan weliba ay lacag ugu daraan halka ay iyaga xogta lacag ku bixin lahaayeen waxay intaa Mukhaabraadku raaciyeen oo sheegeen raga noocaas ah ee Soomaaliyeed hadey awoodaan gabdhahana waa ay noogu dari lahaayeen balse gabdhaha Soomaaliyeed ayaan ka yeelayn gabdhahaas oo ah kuwo sharaf badan oo diin iyo dhaqan wanaagsan lagu soo barbaariyay.

Halkaan ka dhageyso wareysiga oo Maqal iyo Muqaal ah.

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *