Dhageyo | Madaxda hay’addii shaaca ka qaaday heerka taageero ee Madaxda dalka oo cadaadis kala kulmay Dowlada Federaalka iyo Mucaaradka

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

Dhageyo | Madaxda hay’addii shaaca ka qaaday heerka taageero ee Madaxda dalka oo cadaadis kala kulmay Dowlada Federaalka iyo Mucaaradka

October 6, 2018| Arlaadi Online

Dhawaan, hay’ada Farsight Africa Research oo kaashaneysa hay’ad caalami ah oo la yiraahdo IPSOS waxa ay soo bandhigeen kalsoonida xilligaan shacabka ku qabaan madaxda dowladda ugu sareysa sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Daraasadda ayaa sheegtay inay hoos u dhacday taageerada shacabka ay hayaan dowladda, gaar ahaan madaxda sare, ayada oo madaxweynaha ay taageersan yihiin 67% shacabka, halka uu ra’iisul wasaaraha uu haysto 62%.

Daraasadaas  ayaa waxaa laga sameeyey magalooyinka Garoowe, Muqdisho, Cadaado, Beledweyne, Kismaayo iyo Baydhaba.

Madaxda hay’adda Cabdirisaaq Maxamed Aadan ayaa waxa uu sheegay in ka dib natiijada ay soo bandhigeen ay cadaadis xooggan kala kulmayaan dowladda federaalka iyo mucaaradka intaba, ayada oo labada dhinacba aysan ku qanacsaneyn.

Isaga oo la hadlayay Warbaahinta Dalsan ayaa waxa uu sheegay in xilligaan ay eedeyn kala kulmayaan Dowladda iyo Mucaaradka dowladda intaba, oo midba aanu si ugu qanacsaneyn natiijada daraasadda.

Dhageyso Codka Guddoomiyaha Hay’adda Cabdirisaaq Maxamed Aadan.

Xigasho: Radio Dalsan

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *