Dhageyso| Aqoonyahan Caalim “Farmaajo Wuxuu Caalamka u Muujiyey In Kenya Saxan Tahay”

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

Dhageyso| Aqoonyahan Caalim “Farmaajo Wuxuu Caalamka u Muujiyey In Kenya Saxan Tahay”

March 7, 2019| Arlaadi Online

Aqoonyahan Maxamed Maxamuud Caalim oo u warammay Goobjoog, wuxuu sheegay in madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya uu ku fududaaday safarkii uu ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waxa uu sheegay in safarkaasi uu caalamka u muujiyey in Kenya ay gar lahayd oo Soomaaliya ka qaldaneed maadaama madaxweynaha dalka Kenya u tagay.

Caalim ayaa sidoo kale sheegay in suurtagal tahay waxa laga wadahadlay iney ku jiraan arrinta dacwadda badda ee Labada dal u dhaxeysa.

Sidoo kale, Caalim ayaa sheegay in loo baahnaa madaxweynaha inuu la tashi sameeyo oo aanu qaadan go’aan isaga u gaar ah, heshiiskii uu la gaaray Uhuru Kenyatta laga yaabo inuu wax ka bedalo dacwaddii dhanka badda.

Halkaan ka dhageyso: Aqoonyahan Caalim “Farmaajo Wuxuu Caalamka u Muujiyey In Kenya Saxan Tahay”

Xigasho: Goobjoog

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *