Dowladnimo, Midnimo iyo Dal Jiritaan-koda waxaa saldhig u ah in la helo Caddaalad.

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,Maqaalo |

cadaalad

Allaah Subxaanahu Watacalaa ayeey u sugnaatay mahad oo dhan, nabadgalyo iyo naxariisna nabigeenna Muxammad (NNKH).

إِنَّ اللَّهَ يَأْمُرُ بِالْعَدْلِ وَالْإِحْسَانِ وَإِيتَاءِ ذِي الْقُرْبَىٰ وَيَنْهَىٰ عَنِ الْفَحْشَاءِ وَالْمُنكَرِ وَالْبَغْيِ يَعِظُكُمْ لَعَلَّكُمْ تَذَكَّرُونَ

Alle wuxuu Fari Caddaalad iyo Samafal iyo Wax siinta Qaraabada, Wuxuuna reebi Xumaan iyo Munkar iyo Gardarro, Wuuna idin waanin inaad wax Xasuusataan.

إِنَّ اللَّهَ يَأْمُرُكُمْ أَن تُؤَدُّوا الْأَمَانَاتِ إِلَىٰ أَهْلِهَا وَإِذَا حَكَمْتُم بَيْنَ النَّاسِ أَن تَحْكُمُوا بِالْعَدْلِ إِنَّ اللَّهَ نِعِمَّا يَعِظُكُم بِهِ إِنَّ اللَّهَ كَانَ سَمِيعًا بَصِيرًا
Eebe wuxuu idin Fari inaad u gudaan (Siisaan) Amaanada Ehelkeeda, hadaad dad kala xukmaysaana aad ku kala xukuntaan Caddalad, Eebe waxa wanaagsan wuu idin ku waanin Eebana waa Maqle Arka.

Saxaabiga Wathilah ibn al-Asqa wuxuu weydiyay Rasuulka (NNKH) waa maxay Qabyaalad? Rasuulka (NNKH) wuxuu ku jawaabay in aad qoladaada ku taagertid oo ku raacdid dulmi. Xigasho: Sunan Abu Dawud

أَنْ تُعِينَ قَوْمَكَ عَلَى الظُّلْمِ

“Caddaalad daradu meel kasta ha ka jirtee, waxay khatar ku tahay, Caddaalada meel walba oo ay ka jirto.” Waa erayadii Martin Luther King Jr. Diinta islaamka Caddaaladu waxay kaga jirtaa door muhiim ah, maxaa yeelay hadii ay caddaaladu meesha ka baxdo waxaa booskeda buuxinaya oo badelaya waa dulmi iyo khiyaano oo ah laba arimoodd oo usan Alle jeclayn, Islaamku waa din ku dhisan la dagaalanka dulmiga noocyadiisa kala duwan. Sidaa darted caddaladu waa arin aad u weyn oo xiriir la leh dhamaan qeybaha nolosha bani’aadamka sida dhaqaalaha, bulshada iyo hoggaanka. Mana banaano kala sareyn ku saleysan Nasab, midab , hanti ama sharaf, oo waa caddaalad dadka oo dhan sinta iyada oo sharcigana loo siman-yahay, sharcigaa oo dadka si isku mid ah u qabta.

Shaykhul Islaam Ibn Taymiyah Alle ha u naxariiste wuxuu yiri “Alle wuu guuleyaa oo kaal-meeya dowlada caaddilka ah gaalaba Madax ha ka noqdeen, laakin Alle guul ma siiyo oo ma kaal-meeyo dowlada dulimga ku dhisan oo caddalada ka tagtay Muslimba Madax ha ka noqdeen.” Xigasho: Majmu Fatawa 28/63

قال ابن تيمية رحمه الله اللَّهُ يَنْصُرُ الدَّوْلَةَ الْعَادِلَةَ وَإِنْ كَانَتْ كَافِرَةً وَلَا يَنْصُرُ الدَّوْلَةَ الظَّالِمَةَ وَإِنْ كَانَتْ مُؤْمِنَةً

Misaanka iyo arinka taageerada ama kaal-mada Alle lagu helaayo ma aha Muslim baan ahay kaliya oo aysan caddaalad la socon, ee waa caddaalada ay Bulshada iyo dowlada dalkaasi ka talisa ku dhaqmaan. Hadalka sheekhu wuxuu tilmaamaya in dowladaha caddaalada ku dhaqmaa aysan dumin, kuwa caddaalada ka tagana ay dumaan sida ku dhacday dalal badan oo Muslim ah oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Eray bixin ahaan, Caddaaladu waa isku dheeli-tirnaan, sida uu ku macneeyay Aqoonyahan-kii caanka ahaa ee u dhashay dalka Masar Dr. Sayyid qutub, waxaa uu ku sheegay kitaabkiisi Caddaalada bulshadeed ee Islaamka, Al-Caddaala Al-Ijtimaciyah Fi Al-Islam (Social Justice in Islam) wuxuu yiri: Caddalad bulshaded waxa ay ka kooban tahay seddex arimood oo kala ah:

1) In dadku ay helaan xornimo dhameystiran oo ay ku cabiri karaan Ra’yigooda iyo dareenkooda.

2) In dadku u sinnaado nolosha oo aan la kala sareyn sida (Xuquuqda iyo Waajibaadka.

3) In la helo Bulsho isku dheelitiran, isku xiran oo istaakuleysa. Taaso macnaheedu yahay kasoo bixidda Ma’suuliyadda bulshadeed ee qof walba saran, isla markaana la qaado talaabooyin dhab ah sida bixinta Zakada, hadii ay dhacdo in baahida bulshada ay ku filnaan weyso Zakada la soo uruuriyay, waa in lacag dheeri ah laga qaado dadka wax heysta si hoos loogu dhigo faqriga iyo sabool-nimada.

Nabigeenna Maxamad {NNKH} wuxuu yiri todobada qof ee aakhiro harka ilaaheey helaya, waxaa ku jira qof u caddaalad falay dadkii uu hoggaminayay.

Hadii aan rabno inay soo noqoto Midnimo Soomaaliyeed iyo nabad waarta oo la helo dowald wanaagsan, waxaa lama huraan ah in aan ka fogaano caddaalad-darada iyo dulmiga. Maxaa yeelay marka Caddaalad la helo ayey dowladi jiri kartaa oo la helayaa isaaminaad keenta nabad, midnimo, dowlad wanaag iyo in la gaaro horumarka dhinacyadiisa kala duwan.

Hoggmiyayaashi hore ee Musliminta waxay ahaayeen kuwo aad u fahamsan qiimaha ay caddaaladu u leedahay dowladnimada, waxayna tusaale u ahaayeen bulshada oo dhan xaga caddalada oo ay ka bilaabi jireen naftooda, sido kale dhinacyada akhlaaqda iyo ilaalinta hantida ummadda.

Madax banaanidii Soomaaliya, Dowladnimadi, Midnimadi iyo Awoodi dalka Soomaaliya ku lahaa qaarada Afrika waxaa dumiyay waxay ahayd caddaalad daro baahday oo saameysay dhamaan hay’adihii dowlada oo ay ku jireen ciidankii xooga dalka Soomaaliyeed.

Dowladii dalka Soomaaliya oo sidaan soo sheegay la burburtay caddaalad la’aan ayaa hadana aan cashar laga qaadan oo ilaa maanta waxaa socda Caddalad daradii iyo dulmigii oo ay ugu horeyso 4.5, waxaa kalo Caddaalad darada ka mid ah: A- in qeybo badan oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed aan loo ogoleyn ama loo dooran karin in ay dalka hoggamiyaan oo ay Madaxweyne ka noqdaan. B- In qeybo kale la yiri adinku baarlamaanka yaad ku qoran tihiin oo meel kale uma tartami kartaan.

C- In sidoo kale la dulmiyay qeybaha la yiri waxaa laga soo dooran karaa Madaxweynaha, iyaga laftooda yaa Caddalad daro lagu sameeya oo kuwada fiican ama kartida leh lama soo doorto ee waxaa la soo doorta midkii lacag wata, waxaana sidaas mar walba ku soo baxa Madaxweyne aan u qalmin hoggaminta dalka Soomaaliya, kaas oo isna sameeya caddalad daro kale oo wuxuu soo xusha koox aan tayo fiican lahayn oo aan aqoon u lahayn xilalka loo magacaabo sida siyassadda arimaha dibadda, Amaanka dalka, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, police-ka, Militariga iyo guud ahaan hay’adaha dowlada oo u gacan gala dad aan Aqoon iyo karti lahayn, intaa oo dhan waxay ku timid caddaladi laga tegay, arimahaas ama caddalad darida soo noq noqatay waxay dalka ku rideen dib u dhac aan dhamaan, Midnimo la’aan, Amaan xumo, burbur iyo dowlad xumo.

Nidaamka aan wax ku dhisanayno haduu yahay mid dulmi iyo kala sareyn ku dhisan, doorashadiina ay noqoto mid ku saleysan in laaluush la kala qaato, khiyaano iyo Musuq-maasuq oo Caddalada iyo dhex dhexaad-nimada ka baxsan, aan isweydiino sidee lagu helayaa dowlad wanagsan oo Alle nagu kaalmeyo. Khiyaamoyin-kaas waa waxa keenay dowlad la’aanta iyo in dalkii ay maamulaan UN-ka iyo dalal dano gaar ah ka leh Soomaaliya, taladiina ay ka baxday gacantii Soomaalida. Xaalada maanta ee Soomaaliya waxay u egtahay xaaldii uu Abwaan Faarax Nuur ka tiriyay gabaygiisa caanka ah ee “Waa Duni” oo uu lahaa. Waa duni la kala iibsadoon na la ogaysiine. Waa duni ninkaad Aamintaa kuu abees yahaye. Waa duni xaqii la arkayaa la arjumaayaaye. Waa duni akhyaartii luntoo aaran soo hadhaye.

Waxaan qabaa waxa kaliya ee Ummadda Sooomaaliyed lagu mideyn karaa oo deeqa inay tahay Caddaalad, sida darted waa in aan si wadajir ah uga shaqeeyno sidii loo heli lahaa Madax Caaddil ah, wax curin karta, daacad ah, aragti dheer oo taqaan qiimaha ay caddaaladu u leedahay Dowladnimada, Nabada, midnimada ummadda iyo horumarka Bulshada iyo dalka.

Xumaanta iyo Caddaalad daridu waxay kobcaan oo koraan marka ay dadka wanaagsani waxba qaban. Dadka wanaagsan waa in ay ka hadlaan, wax ka qoraan dulimga iyo Caddalad darada ay Madaxdu ku kacdo iyo sidii looga bixi lahaa, iyaga oo aan wax xumaan iyo nacayb shakhsi ahaaneed ah u qabin dadka Mas’liyadda haya, maxaa yeelay marka aad nacayb u qaadid qof Madax ah, qolo ama degaan gaar ah waxaad ka tageysaa Caddaalada oo cidna ma sixi kareysid, waxaana aad noqon qof ka hoosmara ciddi uu dhaliilayay. Aniga oo ka murugoonaya xaalka dadkeena iyo dalkeenu uu ku sugan yahay waxaan kusoo xiraya ducadaan oo igu soo dhacday intii aan qoraalkan waday.

Allow dhulkayaga Amaankiisa Nin uu Eedo ka Illaali, Allow Dadkayga Caddaaladisa Nin ay dhalilaan ka Illaali, Allow Dalkayga Madaxnimadisa iyo Hoggaankisa Nimaan u qalmin ka Illali.

W/D Axmed M. Nuur (Axmed Arlaadi)

Arladun@hotmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *