Dr. Sulub oo Madaxweyne Farmaajo kula taliyay inuu warbaahinta soo hor istaago oo yiraahdo…

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

Dr. Sulub oo Madaxweyne Farmaajo kula taliyay inuu warbaahinta soo hor istaago oo yiraahdo…

Khamiis September 14, 2017| Arlaadi Online

Saddexdii toddobaad ee ugu dambaysay waxaa gilgilay warbaahinta iyo baraha bulshada arrinta Qalbi-Dhagax iyo wixii ka dhashay oo isugu jira xog (information), dareemo (feelings), iyo falal kala duwan (actions).

Maadaama ay golayaal iyo warbaahiyayaal badan ay xog bixin, faallo, iyo falanqayn isugu dareen arrinta qalbi-Dhagax, waxaan ka oran lahaa laba walxood:

1. Macaanida (the themes) ka dhashay arrintaan.

2. Talada aan siin lahaa madaxweeynaha iyo raiisul wasaaraha.

1. Maacaanida ka dhalatay waxaa ka mid ah:

     @hufnaan la’aan (lack of transparency),

     @khayaamo iyo dhagar (treason & dishonesty),

     @wadaninimo (patriotism) iyo soomaali weeyn la’aan (no greater Somaliya),

    @danta ay istustay dawladdu ama mucaaradku (intentions) iyo fahamka dadweeynaha (perception),

@caadifada (emotions) iyo caqliga (reasoning) oo isu dheellitirid waayey,

@xalka ugu fiican (idealism) iyo xalka ku habboon duruufaha taagan (pragmatism),

@dulmi (injustice) iyo dana gaar ah (clan or group interests),

@abaabul qabyaaladeed (mobilization of clan politics)

@dawlad ku hoosjirta dawlad kale (a government within a government). Taas micneheedu waa: baarlamaanada, xukuumadda, garsoorka, ganacsatada, ururrada, iyo bulshada rayadka ah dawladda kale ayaa ku dhex shaqaysta, kuwaas oo heshiis ku ah in ayan qarannimo soomaaliyeed soo noqon.

2. Dawladda federaalka waxaan kula talin lahaa:

 In uu madaxweeynuhu yiraahdo intuu warbaahinta soo hor istaago :

   “@waan khaldannay,

    @wax baan ka barannay,

    @waan saxaynnaa,

    @mar dambana u laabanmaynno.”

W/Q. Dr. Dr. Abdurahman A. Noor Sulub

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *