Eid MUBARAK | Kulu-Caam Wa Antum Bi Kheyr

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

Eid MUBARAK | Kulu-Caam Wa Antum Bi Kheyr

June 3, 2019| Arlaadi Online

CIID MUBAARAK

Image result for eid mubarak

تقبل الله صيامكم وقيامكم وعيدكم مبارك وأعاده الله على الأمة بأمن وأمان وحرية وإيمان

Arlaadi Media oo idin leh Ciid Mubaarak, Allaha naga aqbalo acmaashii wanaagsaneyd. Waxaa mahad leh Allah inoo sahlay hambalyada ciida barakaysan ee Ciid-Al-fitri inaan usoo tebino dhammaan akhristayaasha Arlaadi.net. Waxaan halkaan sidoo kale hambalyo uga tebineynaa dhammaan ummadda Islaamka ee maanta ku ciidaya daafaha dunida.

Soomaaliya waxaan Allah uga baryaynaa inuu ka dhigo dhul nabad ah, Soomaalida Allah niyadooda ha isuwanaajiyo. Dunida oo dhanna waxaan u rajaynayneynaa nabad waarta. 

Waxaa bahda Arlaadi.net si gaara ugu mahadnaqayaan dhammaan akhristayaasha gaar ahaan xubnaha Talo iyo Tusaale ee noo soo diray hambalyada ciida barakaysan ee Ciid Al-fitri, waxaana dhammaan idiin leenahay hamlayo.

Allah sannadkan fooda inagu soo haya ha kadhigo sannad nabad iyo barwaaqo ay camirto dhulka Soomaaliya iyo dunida oo dhanba.

Marlabaad Hambalyada Ciid-Al-fitri naga guddooma.

Kulu Caam wa-antum Bikheyr.

CIID MUBAARAK

الله أكبر ، الله أكبر ، الله أكبر ، لا إله إلا الله ، الله أكبر ، الله أكبر ولله الحمد

Wabillaahi Towfiiq

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *