Guddoomiye Mursal oo la sheegay inuusan ka tanaasuleyn 3 qodob oo ay isku hayaan Baarlamaanka iyo Villa Somalia, maalmaha soo socdana ku wajahan magaalada Baydhabo

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

Guddoomiye Mursal oo la sheegay inuusan ka tanaasuleyn 3 qodob oo ay isku hayaan Baarlamaanka iyo Villa Somalia, maalmaha soo socdana ku wajahan magaalada Baydhabo

December 4, 2018| Arlaadi Online

Image may contain: 1 person

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayay wararku sheegayaan in uusan ka tanasuleyn sadex Qodob oo kala ah.

1- Guddoomiye Mursal ayaa dabaday In Ciidamada la geeyey Baydhabo dib loo soo celiyo.

2- In uu tartamo Mukhtaar Roobow oo aan Musharaxnimadiisa laga hor istaagin.

3- Iyo In Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka ay shaqadooda wataan.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa arintii kala derista guddiga maaliyadda ee baarlamanka sheegay inuu si deg deg ah u horkeeni doono golaha shacabka, isaga oo tilmaamay in la marsiin doono hanaanka saxda ah.

Dhinaca kale Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa go’aamiyay waqtiga uu bilaabanayo kulanka, waxaana uu sheegay in maalinta beri ah kulamada baarlamaanka ay dib u bilaaban doonaan, iyadoo xildhibaanada lagu wargeliyay.

Qodobadaas oo la isku hayay tan iyo intii uu Guddoomiye Mursal dalka dib ugu soo laabtay ayaa muuqata ilaa hada in aan xal laga gaarin.

Wixii warar ah ee kusoo kordha arrimahaan kala soco wararkeena dambe Inshallah.

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *