Hoggaanka ONLF oo lagu soo dhaweeyay Addis Ababa

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

Hoggaanka ONLF oo lagu soo dhaweeyay Addis Ababa

December 1, 2018| Arlaadi Online

Madaxda ONLF oo ahaa gobonimo u dirir waxaa lagu soo dhaweeyey Adis Ababa, iyagoo aaminsan wixii ay u dirirayeen. Halka Dowlada Soomaaliya ay ONLF ilaa sanadkii hore u aqoonsan tahay inay “ARGAGIXISO yihiin.”

Ilaa hada xukuumadda kama noqon go’aankaasi xaqdarada ahaa oo ay si wadajir ah dideen Baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhiibistii Qalbi dhagax iyo Aqoonsiga dowlada Soomaaliya ay u aqoonsatay ONLF urur Argagixiso waa taariikh xumo ama taariikh madow oo ay wali la nool yihiin Farmaajo, Khayre iyo Golihiisa wasiirada.

Addis Ababa oo maanta lagu soo dhaweeyay guddoomiyaha ONLF iyo mas'uuliyiin ka tirsan guddiga fulinta ee jabhadda

Wafti uu hoggaaminaya guddoomiyaha ururka ONLF ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Subaxnimadii saaka ayay ka dageen garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa wafdiga uu horkacayay guddoomiyaha ONLF, Admiraal Maxamed Cumar Cismaan.

Waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida oo uu kamid yahay wasiirka maaliyadda , madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, mas’uuliyiin ka socotay dalka Kenya, dad shacab ah iyo odeyaasha dhaqanka.

Guddoomiyaha ONLF, Admiraal Maxamed Cumar Cismaan oo saxaafadda kula hadlayay Addis Ababa ayaa sheegay in halgankooda ay si nabadgelyo ah kusii wadi doonaan isla markaasna uu ku rajaweyn yahay in shacabka ay nabadda ka shaqayn doonaan.

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *