ITOOBIYA OO DUL-SAARAN BUUNDADII BAARDHEERE OO KALE. By Maxamed Xaaji Ingiriis

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

ITOOBIYA OO DUL-SAARAN BUUNDADII BAARDHEERE OO KALE. By Maxamed Xaaji Ingiriis

June 2, 2019| Arlaadi Online

Image result for Maxamed Xaaji Ingiriis Aqoonyahan Maxamed Xaaji Ingiriis

Waxaa sannadihii la soo dhaafay ay isu-soo-baxyo ka socdeen Isgoyska Meskel Square, ee bartamaha magaalada Addis Ababa, meeshaas oo aan ka fogeyn xaafadda Soomaalidu u badan tahay ee Bole Mikael, kuwaas oo aan indhahayga ku soo arkay bilihii March iyo April 2016. Dibad-baxyada, waxaa dhigaayey shacabka dulman ee Oromada, oo garwaaqsaday in is-beddelkii ay dalbanayeen saddexda sano – laga soo billaabo May 2014 illaa April 2018 – uusan ahayn kan uu horkacayo Abiy Axmed Cali. Waxay doonayeen structural changes, laakiin wuxuu is-beddelkii ku soo koobmay cosmetic changes. Sheekada Oromada waxay la mid noqotay gabyaagii Soomaaliyeed, ee la yaabay sedbursiga ka dhacay Soomaaliya xilligii Jaalle Siyaad, ee yiri “gaajada ka bax baan lahaa, ma haddaan galay geerashkeedii”.

Image result for Meskel Square

Oromadii u ololeysay is-beddelka sal iyo baarka ah, ayaa waxay haddeer fahmeen in lala ciyaaray chess game, oo iyagoo sii jeeda lagu geddiyey isla is-beddelkii ay iyagu dhaliyeen, kaddib markii kursiga lagu soo riixay mid la sheegta Oromonimo, laakiin aan shaqo ku lahayn Oromia. Tusaale, is-beddelka ka dhacay Itoobiya, waxaa si weyn uga faa’iiday (greatest beneficiaries) qowmiyadda Amxaarada. Abiy Axmed, oo ay Amxaaradu dhaleen, isla markaana iyaga ka qaba, wuxuu si xad-dhaaf ah ugu sedburiyey Amxaaradii. Badankood hay’adaha halbowlaha ah ee dowladda cusub ee Itoobiya, oo ay ku jirto Hay’adda Nabad-sugidda ee NIS, wuxuu Abiy Ahmed madax uga dhigay dad Amxaaro ah. Xitaa guddiyada madaxa bannaan, ma lahan mid Amxaaradu ay ka maqan tahay. Arrimahaas, waxay dhaliyeen uurkutaallo iyo in Oromadu ay dareemaan alienation. Waxay yaqiinsadeen in is-beddelkii oo dhan uu ku soo biya-shubtay wax loogu daneynayo qowmiyad gaar ah, laguna ciqaabayo qowmiyadaha kale, ee ka soo horjeeda sedbursiga iyo is-cabburiska ka jira dhismaha qarannimada Itoobiya.

Oromada, waxaa ka yaabiyey in si toos ah, oo aan gabbaad lahayn, loo weeraray mabda’oodii taariikhiga ahaa ee modern Oromo nationalism. Halkii uu wax ka qaban lahaa dareenka ay cabbireen dadkiisa Oromada ah, wuxuu bilcaksi Abiy Ahmed u muuqdaa inuu ku shaqeynayo the grand principle position of Amhara, oo ah (1) in la baa bi’iyo nidaamka ethnic federalism, ee qowmiyad walba ay gaarkeeda isu xukumeyso, nidaamkaas oo Oromadu ay ku dhex heshay is-maamul u gooni ah, iyo (2) iyo siyaasadda cusub ee Mademer ee taas daba taalla, oo dhabbaha u xaaraysa in dib loogu noqdo habkii Menelik ee Amharisation-ka ahaa, ee qarnigii sagaal iyo tobnaad, oo Oromo badan lagu Amxaareeyey, ayna kaga mid noqdeen qowmiyadda Amxaarada.

Kuweenna isku taxallujiya inay dersaan taariikhda, dhaqanka, siyaasadda iyo bulshooyinka Geeska Afrika, waxay ahayd wax aan qiyaasi karnay in dagaalka kama dambeysta ah uusan dhex mari doonin Oromada iyo Tigreega, balse uu dhex mari doono Amxaarada iyo Oromada. Laakiin, lama saadaalin karo, illaa iyo hadda, cidda dagaalka ku adkaan doonta. Haddii aan eegno taariikhda Itoobiya, dagaallada siyaasadeed ee Itoobiya laguma kala adkaado. Maalin waxaa adag Amxaarada, maalin-na waxaa adag Tigreega. Illaa qarnigii 12-aad, Oromadu waxay ahaayeen resource-ka ay Tigreega iyo Amxaaradu ku dul-dagaallamaan, ee laga helo xoogga dagaalka lagu wado (manpower)

Maanta, mutaqafka iyo mutacallimka Itoobiya wuxuu u badan yahay Amxaarada, Oromadu-na waxay hayaan population aan xad lahayn, laakiin waxgarad badan ma hayaan, oo mutacallimiintoodii fara-ku-tiriska ahaa waxaa laayey, ama ciqaabay, oo ceyriyey Haile Selassie, Mengistu iyo Meles Zenawi. Hase yeeshee, Oromada iyo Amxaarada, waxay ku kala duwan yihiin: Amxaaradu waa dad kala dambeeya, oo muddada dheer ee ay xukumayeen Itoobiya waxay ka faa’iideen inay wax-bartaan, hoggaan-na ka dhigtaan kuwooda wax yaqaanna. Laakiin Oromadu ma lahan kala dambeyn, waxaana soo rafaadiyey xukunnadii kala duwanaa ee isaga kala dambeeyey Itoobiya, sidaas awgeed waxaa ku dhacay lack of direction, waxaana mar walba talada u qabta kuwa iyaga la dulsaaro, ee looga dhigo hoggaan.

Hase yeeshee, soo if-baxa kuwooda waxbartay, sida Abiy Axmed, Workeneh Gebeyehu, Lemma Megersa, iyo Jawar Maxamed, ayaa albaab cusub u furay mustaqbalka Oromada. Shaki iigama jiro in Megersa oo dhawaan loo magacaabay Wasiirka Difaaca uu noqon doono kan abuura real structural changes gudaha Itoobiya, wuxuuna taageero xoog badan ku dhex leeyahay ummadda Oromada, laakiin waxaa ka soo wada horjeeda Amxaarada, Tigreega iyo wixii iyaga u sii adeega. Hase yeeshee, sida keliya ee carada Oromada lagu joojin karo waa inuu Abiy Axmed uu xukunka ku wareejiyo Megersa, oo ah nin aan si sahlan loo loodin karin. Imaanshaha Megersa, waxay meesha ka saari doontaa damaca Amxaaradu ku doonayso inay ku soo noqoto xukunka Itoobiya, iyadoo jaranjaro ka dhiganaysa Abiy Ahmed Cali.

(Maxamed Xaaji Ingiriis waa PhD Candidate jaamacada Oxford. Wuxuu kaloo cilmi-baare ka yahay King’s College London).

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *