Jaamacadda Zurich oo daraasaad ku sameynaysa “MAAY” iyo “MAXAA TIRI. Fadlan Hoos ka akhriso waxay tahay daraasadu.

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

Jaamacadda Zurich oo daraasaad ku sameynaysa “MAAY” iyo “MAXAA TIRI. Fadlan Hoos ka akhriso waxay tahay daraasadu.

October 12, 2018| Arlaadi Online

Image may contain: text

Daraasad ay sameynayso jaamacadda Zurich (University of Zurich) ee dalka Switzerland oo ay ku doonayso in ay wax ka ogaato luuqadaha looga hadlo dalalka qaarada Afrika iyo caqabadaheeda.

Soomaliya ayaa qeyb ka ah dalalka Afrikaanka ah ee daraasadda laga sameynaayo. Daraasaddu waxay diirada saaraysaa labo luuqadood ama lahjadood (sida ku xusan page-ka jaamacadda) oo kala ah Somali iyo Maay, waxayna rabaan in ay ogaadan masuuliyiintii soo qabtay xilalka wasiirnimo ee dowladihii soo maray Soomaaliya laga soo bilaabo 1960-kii ilaa iyo 2010-kii.

Tusaale ahaan aniga hada waxaan doortay sanadihii 1960kii ilaa iyo 1969 sida ku xusan link-ga hoose. Waxaa ii soo baxay, markaan iska register-gareey daraasaddan ay wado jaamacadda Zurich, in aan sheego luuqadda ay ku hadli jireen wasiiradan magacyadooda hoos ku qoran yihiin (dhamaantood waa wasiiradii soo maray dalka sanidihii 1960 ilaa 1969):

1- Hared Farah Nur ( Minister Of Transport And Communications from 1968 until 1969)
2- Farah Ali Omar ( Minister Of Industry And Commerce in 1960 Minister Of State, Foreign Office from 1968 until 1969)
3- Bashir Ismail ( Minister Of Health And Labour from 1966 until 1967)
4- Awil Haji Abdullahi Farah ( Minister Of Finance in 1965)
5- Ali Omar Sheygo ( Minister Of Finance from 1966 until 1967 -Minister Of Agriculture from 1968 until 1969)
6- Ali Mohammed Hirave ( Minister Of Information in 1961 -Minsiter Of Information from 1962 until 1964-Minister Of State, Prime Minister’S Office from 1968 until 1969 ).
7- Ali Mohammed ( Minister Of Public Works from 1968 until 1969 )
8- Ali Garid Giama (Minister Of Education in 1961-Minister Of Agriculture from 1962 until 1964).
9- Ahmed Yusuf Dual ( Minister Of Foreign Affairs from 1965 until 1967)
10- Ahmed Hagi Duale (Minister Of Agriculture in 1961)
11- Aden Shirey Jama ( Minsiter Of Justice And Religious Affair from 1968 until 1969)
12- Aden Issak Ahmed ( Minister Of Defense in 1965-Minister Of Transport And Communications from 1966 until 1967)
13- Aden Abdullah Osman ( President from 1961 until 1967)
14- Adan Issak Ahmed ( Minister Of Education from 1968 until 1969)
15- Abdullahi Issa Mohamed ( Minister Of Industry And Commerce from 1966 until 1967)
16- Abdullah Mohamed Qablan ( Minister Of National Planning in 1968
Minister Of Planning And Co-Ordination in 1969)
17- Abdullah Mahmud ( Minister Of Works And Communications in 1965)
18- Abdullah Issa Mahmoud ( Prime Minister And Minister Of Internal Affairs in 1960)
19- Abdullah Issa ( Minister Of Foreign Affairs from 1961 until 1964)
20- Abdullah Dualeh (Minister Of Finance from 1968 until 1969)
21- Abdul Rahman Hagi Mumin (Minister Of Justice in 1965
Minister Of Defense from 1966 until 1967)
22- Abdul Kadir Mohammed Aden (Minsiter Of Interior from 1966 until 1967)
23- Abdul Cadir Mohammed Aden ( Minister Of Finance from 1961 until 1964
24- Minsiter Of Interior in 1965)
25- Abdi Rizak Hagi Husseinn ( Prime Minister in 1966 )
26- Abdi Rizak Hagi Hussein (Minister Of Internal Affairs in 1961
Minsiter Of Internal Affairs in 1962
Minister Of Public Works And Communications from 1963 until 1964
Prime Minister from 1965 until 1967)
27- Abdi Rashid Shermarke ( Prime Minister from 1961 until 1964
President from 1968 until 1969)
28- Abdi Nur Mohammed Hussein ( Minister Of Public Works And Communications from 1961 until 1962)
29- Abdi Mohammad Hussain ( Minister Of General Affairs in 1960)
30- Abdi Hassan Boni ( Deputy Prime Minister in 1961)
31- A.G. Hassan ( Minister Of Justice from 1962 until 1964)

Ujeedada daraasada waxay taha in si fiican loo fahmo caqabadaha dhismaha dawladeed iyo xalka u dhaxeeya dadka iyo luqadaha kala duwan (sida maay-ga iyo maxaa tiri-ga).

Waxay rabaan in ay ururiyaan xog cusub oo dhamaystiran oo ku saabsan dhammaan dawladaha Afrika. Waxaan rajeynayaa in aad gacan ka geysataan cilmi-baaristaan, xog saxana aad gudbisaan oo ku saabsan Afka ay ku hadli jireen wasiirada iyo qobolada ay kasoo jeedaan.

Ugu dambeyntii, kala duwanaanshaha luuqadaha waxay caqabad ku tahay isfahamka bulshooyinka. Soomaliya haddii aan tusaale usoo qaato, dadyowga Soomaaliyeed ee ku hadla Maay-ga iyo Maxaa tiri-ga caqabadda dhex taagan waxaan rajeynayaa natiijada daraasada kasoo baxda in Wasiirka iyo xildhibaanka isku dhegan iyo Soomaalida guud ahaan wax badan ka fahmi doonaan, “WAA UJEEDKA DARAASADDA”.

Xigasho: Dr. Kai Gehring, University of Zurich

By. Isak Abdi

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *