KOOFUR GALBEED, DERBI ADAG OO LA LOODIN WAAYEY. By Xildhibaan Ahmed Moallim Fiqi

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

KOOFUR GALBEED, DERBI ADAG OO LA LOODIN WAAYEY. By Xildhibaan Ahmed Moallim Fiqi

December 4, 2018| Arlaadi Online

Image result for calanka Koonfur galbeed

Sideedaba, Lacago laaluush ah waa looga faa’idaysan karaa gadashada ruux duruuf heyso damiirkiisa, laakin way adag tahay in la gato jacaylka dadka iyo ixtiraamkooda iskaba daa daacadnimadooda.

Marka taas laga yimaado waxaan arkaynaa in lagu fekerayo in Xoog iyo Ciidan la isku dayo in dadka lagu argagixiyo ama lagu hor-istaago rabitaankooda laakin Ciidan aan qaddiyad sax ah daafacayn si kasta oo ay dagaalyahanno u yihiin una hubaysan yihiin ma gaarayaan guul dedgeg ah waayo guushu waxey rabtaa caqiido xooggan, rabitaan adag oo ay rumaysan yihiin, qaddiyad nafta loo huro iyo dhiiranaan, laakin ciidan diyaarado lagu daabulay uma malaynayo in ay u giigsan karaan ama hor istaagi karaan umad qaddiyad ay aaminsan tahay daafacanaysa.

Miraha kaliya ee laga goosanaya faragalinta ka socota Koofur Galbeed waxey noqonaysaa in naceybka dadka reer koofur Galbeed iyo kalsooni xumada ay u qabaan hogaanka dalka ee hadda jira ay sii kororto Marba marka ka danbaysa.

Markii 4-aad ayaa la bedelay waqtigii doorashadu dhici lahayd ayadoo aysan jirin sabab lagu qanci karo oo la sheegay, meeshii waraaqihii codaynta iyo guddiyadii korjoogtaynta laga sugayeyna waxaa gaaray Baydhabo ciidamo si aad ah u hubaysan, oo sida la soo sheegayo weli ay socdaan qorshe lagu kordhinayo tiradooda.

Dadka reer Koofur Galbeed waxey dhigeen darbi adag oo ay adkaatay in si sahal ah lagu jiiro, waraaqo Xamar laga soo saaro, lacago la baxsho, ciidamo hubaysan oo la daabulo iyo safiirka Itoobiya oo la adeegsado intuba waxba waa ka bedeli waayeen in la loodiyo rabitaanka dadka Koofur Galbeed, oo lagu rajo weyn yahay in uu ugu danbeyn guuleysan doono.

Midnimo ayey muujiyeen dadka reer Koofur Galbeed meel kasta oo ay dalka iyo dunida ka joogaan, waxaana qormaysa taariikh, doorashada Koofur Galbeed waa in laga bartaa cashar adag oo hadda ka dib Gaashaan uga noqda in aan cid danbe soo hawaysan deeganadaas arrimahooda, waxa maanta dhaca ayaana halbeeg u noqon doonta mustaqbalka.

Madaxda Villa Soomaaliya joogtana ha iimaansadaan xukunka Soomaaliya oo dadka Soomaaliyeed ku aamineen, hana u daayaan dadka Dawlad goboleedyada ku nool in ay hogaankooda doortaan.

W.Q Xildhibaan Ahmed Moallim Fiqi

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *