Madaxweyne Deni  iyo Madaxweyne Lafta-gareen “Laba siyaasi oo ka duwan kana Akhyaarsan Gaas iyo Shariif + Faqriga ka jira Puntland 27%. Halka Saboolnimada dadka Koonfur galbeed ay tahay 90%. Maxaa u sabab ah? Maxaase xal u ah. By Arlaadi

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

Madaxweyne Deni  iyo Madaxweyne Lafta-gareen “Laba siyaasi oo ka duwan kana Akhyaarsan Gaas iyo Shariif + Faqriga ka jira Puntland 27%. Halka Saboolnimada dadka Koonfur galbeed ay tahay 90%. Maxaa u sabab ah? Maxaase xal u ah. By Arlaadi

February 4, 2019| Arlaadi Online

Image may contain: 2 people, people sitting and suit

Labada Madaxweyne ayaa mudadii gaabnayd ee ay xilka hayeen muujiyay dadaal dheeraad ah iyaga oo si gaar ah xil isaga saaray arrimaha dib-u-heshisiinta. Madaxweyne Deni ayaa ku dadaalaya dib-uheshisiinta Soomaaliya halka Madaxweyne Lafta-gareen uu xooga saaray dib-u-heshisiinta Koonfur galbeed. 

Waxaan kula talinayaa labada Madaxweyne oo aan siinayaa halo talo oo mid ah taasoo ah: Khaladaadkii ay sameeyeen Gaas iyo Shariif ka faaideysta oo saxa. Waxaa jira arrimo badan oo ay Gaas iyo Shariif isku mid ka ahaayeen oo Hoggaan xumo iyo Maamul xumo isugu jira.

Waxaa si gaar ah Madaxweyne Lafta-gareen kula talin lahaa inuu ka faaideysto khibrada ay Puntland uu leedahay dhinaca Maamulka iyo Federaalka. Mudane Madaxweyne ogow in Puntland ay tahay halka ugu Saboolnimada yar dalka Soomaaliya.

Warbixin kasoo baxday World bank ayaa lagu sheegay in Saboolnimada ka jirta Puntland ay tahay 27% halka ay Koonfur galbeed ka tahay 90%, Somaliland 56%, Muqdisho 80%.

Mudane waxaa wanaagsan inaan isweydiino maxaa ka dhigay Saboolnimda Puntland kaliya 27%, halka Koonfur galbeed oo ah degaanka ugu barwaaqada badan Soomaaliya ay tahay 90%, dadkii u dhashay degaanadaas-na ay barakacayaal ku yihiin gudaha dalka oo dhan.

Jawaabta waa hoggaan xumo mudo dheer ka jirtay Koonfur galbeed. Hadaba si dadka Koonfur galbeed loo gaarsiiyo halka ay joogto Puntland ama ka kor, waaa inaad Mudane ku dadaashaa inaad hesho dad Karti leh, waxgarad ah, Aqoon leh oo daacad ah iskana ilaali Musuq-maasuq nooc waalba uu yahay, tusaale wanaagsan oo lagu daydana u noqo dadka Koonfur galbeed.

Image may contain: 1 person, standing, suit, shoes, wedding and outdoor

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and outdoor

Image may contain: 2 people

Image may contain: 5 people, people smiling, people standing, shoes and outdoor

Image may contain: 4 people, people smiling, people standing

W/D. Ahmed Nuur Arlaadi

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *