Maxaa ka jira wararka sheegaya in Wasiirka arrimaha dibadda Jabbuuti Maxamuud Cali Yuusuf  uu Soomaaliya ka reebay dalalkii ka dambeeyay heshisiinta Ereteriya iyo Jabuuti oo uusan u mahad celin? Arlaadi Online ayaa ku haysa xogtii ugu dambeeysay

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

Maxaa ka jira wararka sheegaya in Wasiirka arrimaha dibadda Jabbuuti Maxamuud Cali Yuusuf  uu Soomaaliya ka reebay dalalkii ka dambeeyay heshisiinta Ereteriya iyo Jabuuti oo uusan u mahad celin? Arlaadi Online ayaa ku haysa xogtii ugu dambeeysay

September 8, 2018| Arlaadi Online

Image result for djibouti foreign minister

Saxaafada Soomaalida ayaa maanta baahisay in Wasiirka arrimaha dibadda Jabbuuti uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal dheer oo uu kaga hadlayo xasaradda gobolka Geeska Afrika.

Waxay saxaafadu sheegtay in Wasiirku daaha ka qaaday cidda ka dambeysa wada heshiisiinta dowladaha Eriteria iyo Jabbuuti.

Waxay kalo saxaafadu xustay in Wasiir Maxamuud uu meesha ka saaray sheegashadii wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ee ahayd in Soomaaliya door muhim ah ku lahayd wada heshiisiinta labada dal ee Jabbuuti Iyo Ereteriya. 

Hadaba sida ay saxaafadu sheegtay Wasiir Maxamuud ayaa qoraal uusoo dhigay bartiisa Twitter-ka saacadu markay ahayd 11:05 PM · Sep 7, 2018 u mahad celiyay oo kaliya dalalka Sacuudi Carabiya iyo Itoobiya sida aad ka akhrisan karto qoraalka hoose ee wasiirka.

Mahmoud Ali youssouf

Mahmoud Ali youssouf

انً حكومة جيبوتي تثمن عاليا الوساطة التي تقوم بها حاليا المملكة العربية في حلحلة الأزمة بين جيبوتي وايرتريا كما ان جهود السلام الذي يبذلها دولة رءيس وزراء اثيوبيا خلقت بيئة مؤاتية للسلام في القرن الأفريقي

11:05 PM · Sep 7, 2018

Waxaase jiray qoraal goor dambe uu wasiirku soo dhigay bartiisa Twitter-ka saacadu markay ahayd 3:53 AM · Sep 8, 2018. Wasiirka ayaa markaan dambe uga mahad celiyay Dowlada Federaalka Soomaaliya doorka ay ku lahayd heshisiinta Jabuuti iyo Ereteriya.

Qoraalka dambe ee wasiir Maxamuud ugu mahad celinayo dowlada Soomaaliya ayaa noqday mid aysan saxaafada Soomaalidu helin oo aysan baahin.  

Mahmoud Ali youssouf

Mahmoud Ali youssouf

لا شك ان مجهود الحكومة الفدرالية الصومالية وهي مشكورة عليه كان جزءا هاما من المساعي التي تبذلها دول القرن الأفريقي من احل الوصول الي سلام شامل لا يستثني اَي دولة في منطقتنا .

3:53 AM · Sep 8, 2018

Link-a hoose ka akhriso sida loo fasiray qoraalkii hore ee Wasiirka arrimaha dibadda Jabbuuti Maxamuud Cali Yuusuf  uu Soomaaliya kaga reebay dalalkii ka dambeeyay heshisiinta Ereteriya iyo Jabuuti.

Wasiirka A/ Dibadda Jabbuuti Oo Cagta Mariyay Sheegashada DFS Ee Heshiisiinta Eriteria & Jabbuuti

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *