Murashax Mukhtaar Roobow oo yiri “Al-shabaab Waan Ka Tirtiraa Koonfur/galbeed”+ Al-shabaab-ka uu xusay Roobow ee dowlada ku dhex milamay oo ku faraxsan ishortaaga ay DF ku sameeysay Murashaxnimda Roobow
Murashax Mukhtaar Roobow oo yiri “Al-shabaab Waan Ka Tirtiraa Koonfur/galbeed”+ Al-shabaab-ka uu xusay Roobow ee dowlada ku dhex milamay oo ku faraxsan ishortaaga ay DF ku sameeysay Murashaxnimda Roobow
October 6, 2018| Arlaadi Online

Murashax madaxweyne K/galbeed, Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo maanta la kulmay xildhibaannada K/galbeed iyo sidoo kale waxgaradka maamulkaasi ayaa ka hadlay arrimo badan.
Inkastoo uusan soo hadal qaadin go’aankii wasaaradda amniga DFS ee ahaa inaanu ka qeybgali karin doorashada madaxweyne ee maamulkaasi ayuu hadana wuxuu sheegay inuu yahay Murashax xilkaasi u taagan.

Waxaa uu sheegay in haddii la doorto wax badan uu ka qaban doono arrimaha amniga, islamarkaana Al-shabaab ka saari doono gobollada Koonfur/galbeed.
Roobow ayaa yiri “Waxaan wax ka qabanayaa Amniga guud ahaan hadii ilaah yiraahdo. Waxaan isku furi doonaa Wadooyinka Xiran ee Goboladaan. Waxaan wax ka qabanayaa Cadaalada ma jiri doonto Maxkamad Banaanka nooga imaan doonto.
Dhinaca kale Roobow ayaa yiri “Wadoonyinka waxay u xiran yihiin oo dadka ku dhibaya waa 3 qolo oo kala ah
1-Ciidanka Dowlada Dress kooda wata
2-Ciidan Qabiil oo hubeysan
3-Ciidan Shabaab ah nabad iyo jirintaan aan ogoleyn.
Kuwaas dhamaantooda waa la xaaqi doonaan dowlada Federaalka keliya dress keeda ha ilaalsato hadii kale shaqo ayaa laga qabanayaa inshaa alaah.
Murashax Mukhtaar Roobow oo kaftamaya ayaa wuxuu yiri “Xildhibaano dhamaan Murashaxiinta codkiina siiya laakiin 1 qof u badiya”.
Arlaadi Online. Education news, opinion and guides
Asxaabtaada Facbeook U Sii Gudbi
Related