Must read| TAARIIKH AAN TIRMEYN: CUQUBADII ALLE IYO GOWRICI CULUMADA SOOMAALIYEED.  يُوصِيكُمُ اللَّهُ فِي أَوْلادِكُمْ لِلذَّكَرِ مِثْلُ حَظِّ الأُنثَيَيْنِ

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

Must read| TAARIIKH AAN TIRMEYN: CUQUBADII ALLE IYO GOWRICI CULUMADA SOOMAALIYEED.  يُوصِيكُمُ اللَّهُ فِي أَوْلادِكُمْ لِلذَّكَرِ مِثْلُ حَظِّ الأُنثَيَيْنِ

Image result for Maxamed Xaaji Ingiriis

Maxamed Xaaji Ingiriis

May 28, 2019| Arlaadi Online

Image result for dilkii culumada Soomaaliyeed 1975

Shacabka Soomaaliyeed wuxuu maanta la gebi-dhacleynayaa fool-xumadii iyo fasahaadkii saameeyey qaab-dhismeedkoodii bulsho iyo qaab-jiritaankoodii siyaasadeed, iyo xitaa koodii dhaqan-dhaqaale, ee waddankooda, wixii ka dambeeyey 1969-kii. Illaa iyo maalintaas, waxaa la garan la’ yahay aafada dadka Soomaalida wada saameysay – meel walba oo ay adduunka ka joogaan – halka uu salkeedu ka soo billowday. Dadkii iyo dalkiiba wey wareereen, waxaana ku dhacay jahawareer iyo jeegaar la mid ah tiihii reer Banii Israa’iil. Soomaaliya waxay caalamka ka noqotay waddanka ugu foosha xun ee ku fashilmay dadnimada bini’aadamnimo iyo nidaamka dowladnimo. Ma jirto wax qiime ah, oo uu qofka Soomaaligu ku leeyahay dalka gudihiisa iyo dibaddiisa. Warkii oo kooban, Soomaalidu waxay noqotay ummad dhan oo aan iyaguna sharaf iyo ixtiraam isu haynin, cid u haysaana aysan jirin caalamka.

Haddaba, waa in dib loo qiimeeyaa maxaa sal u ah musiibada na haysata? Aafada u weyn ee Soomaali wada saameysay waxay ku dhacday subaxnimadii 23-kii January 1975-kii, kaddib markii keligii-taliye Maxamed Siyaad Barre, oo aad mooddo inuusan maalintaas caadi ahayn, uu garoonka Stadium Koonis la soo istaagay in Qur’aanka Kariimka uusan kaamil ahayn, isagoo nasaqay aayadihii Qur’aanka ee dhaxalka ragga iyo dumarka, isla markaana si jeesjees ah suuratu Nisaa ugu daray safxad cusub oo ay u dambeyso ‘wal jinni’. Maxamed Siyaad Barre, oo aanu jirin sharci qabanaya (marba hadduu laalay distoorkii dalka) ayaa ku dhawaaqay in ragga iyo dumarku ay siman yihiin dhinaca dhaxalka, taasoo ah arrin ka soo horjeeda qowlkii Ilaaheey soo dejiyey iyo distoorkii Soomaaliya looga codeeyey bishii June 1961-kii.

Intuu khudbeynayey, Maxamed Siyaad Barre wuxuu carrabkiisa ka ilaaliyey inuu toos u soo daliishado Qur’aanka iyo inuu magaciisa xuso Nebi Muxammad (CWS). Khudbaddiisa oo dhan wuxuu ku dhammeystay duurxul iyo digasho. Wuxuu is weydiiyey sababta keentay in Qur’aanka aan hal mar la soo dejin, ee maalinba qeyb la soo dejinayey, isaga oo taas sabab uga dhigay inay wax ka dhiman yihiin. Wuxuu tusaale ka dhigtay, oo uu aad ugu dheeraaday, inuu ka warramo dib u dhicii yiillay Jasiiratul Carab iyo dhaqankii haraadiga ahaa ee bulshada Carbeed. 

Midda ugu daran waxay ahayd markii uu Maxamed Siyaad Barre si indha-adayg leh uga been sheegay Qur’aanka Kariimka ah, isaga oo ku dooday in Qur’aanku uu nasaqan yahay 50% (boqolkiiba konton). Haadaaqiisa oo aad moodeyso inuu xiiqsan yahay, wuxuu u muuqday inuu xoojinayo in Qur’aanku uu yahay qalad loo baahan yahay in la saxo, oo la hagaajiyo, waxna lagu daro, waxna laga dhimo. Isaga oo si dedban u isticmaalaya aaraa’dii diinta ka fogeyd ee ay la yimaaddeen kuwii diin oo dhan iska diiday, ee Engels, Lenin iyo Marx, wuxuu Maxamed Siyaad Barre ku cel-celiyey in ‘kuwa weli dambeeya ee maskaxdu ka halleysan tahay inay na soo raacaan’. Kuwa uu leeyahay waa dambeeyaan waxay ahaayeen culumadii Soomaaliyeed – oo ah kuwii u taagnaa weligood ilaalinta diinta – oo ku adkeystay in Ilaaheey aan loo shirik yeeli karin, ummad Muslim ahna aysan ku gefi karin Rasuulkoodii suubbanaa Muxammad (CSW).

Maxamed Siyaad Barre, oo muujinaya inuu ogyahay inay shacabka Soomaaliyeed ka dhiidhin doonaan diin ka bixiisa, ayaa cod dheer ku yiri ‘waa gar inaad ila yaabtaan, waa gar, maxaa wacay, waa laydinku shubay, waa leydinku shubay, waa leydinku shubay, waa leydinku shubay, weligiinna laydin kama shubin, anna haddaan idinku shubayaa, wallaahi anaa idiin fiican, iyo billaahi, haa, kitaabkaadan aqoon, wallaahi nasteexo anaa idiin ah, waxay idinku shubeen waa beentood, qaraabo idinlama ahayn, dhashiina dan kama lahayn, waddankiina dan kama lahayn, sharafkiina dan kama lahayn, ummadnimadiina dan kama lahayn, iyagu muraad kama lahayn, iyagu dantoodey wataan’. Su’aashu waxay tahay, waa ayo kuwaas dantooda wata? Wuxuu maldahayaa Rasuulka (CSW) iyo saxaabadii rumeysay risaaladii uu la yimid, sida Abuukar Al-Saddiiq, oo ahaa nin ku caan-baxay runlownimo, ahaana xabiibkii Nebigeenna.

Isaga oo aan ka leex-leexan, Maxamed Siyaad Barre wuxuu toos u aflagaadeeyey saxaabadii Rasuulka (CSW). Wuxuu carrabka ku adkeeyey in aan loo cadibnaanaynin rag uu ka mid yahay Guuleed bin Cubeyd, oo uu yiri ‘diinta waxay ku ilaashanayeen xoolahooda’. Waxaa yaab leh in aan siirada Rasuulka (CSW) uusan ku jirin nin la yiraahdo Guuleed. Sida la wada ogyahay, Guuleed waa magac Soomaali ah. Maxamed Siyaad Barre ayaa jeebkiisa kala soo baxay saxaabi uu isagu sameystay oo la yiraahdo Guuleed bin Cubeyd.

Isaga oo mar kale si dedban u soo xiganaya afkaartii diinta ka fogeyd, ee Engels, Lenin iyo Marx, wuxuu Maxamed Siyaad Barre ku celceliyey in uusan yeeleynin in wixii fekrad ah ama farsamo ah ee wax lagu qabsanayo aan looga tagaynin ilaalinta diinta. Wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday: ‘Jaalle ma yeelayno annaga, dad gaajeysan, toban maalmood qaday, muxuu diin ka yaqaannaa, haddey naag tahay dabada ayay roganaysaa, maxaa wacay noloshu waa xaq inay noolaato’ (Tixraac: Kaydka Radio Mogadishu 1974).

Culumadii ka dhiidhisay gefkaas fircoonnimada ah, waxay noqdeen wax la xasuuqo, wax la xiro iyo wax dalka ka carara. Waxaa fagaaraha Dugsiga Booliska (Scuola Polizia) lagu toogtay toban wadaad, oo ka mid ahaa culumadii khudbadaha la istaagay masaajiddada, ee naqdiyey hadaaqa uu ku hadlay keligii-taliyaha. Cabsi aawadeed, ummaddii Soomaaliyeed waxay isku soo xireen guryahooda. Sida aan ka barannay diinta Islaamka, dulmigu wuxuu ka mid yahay dunuubta soo dedejisa carada Ilaaheey. Meesha dulmi diini ah ka dhaco, waxaa ka dhaca halaag. Waxaa ku bata dhaca iyo tuugannimada. Waxaa ku bata boobka iyo bililiqada. Waxaa ku bata is-dilka iyo is-xasadka. Waxaa ku bata burburka iyo baahida. Waxaan nahay ummad Muslim ah; Rasuulkeennii wuxuu nagula dardaarmay haddii aan dulmi aragno inaan gacmaheenna ku suulinno, haddii aanan awoodin inaan afkeenna ku suulinno, haddii aanan awoodin inaan uurka ka nacno.

Shacabka Soomaaliyeed, wuu awooday inuu subaxaas ku dhaqaaqo madaxtooyada, oo ay soo qabtaan Maxamed Siyaad Barre, iyo kuwii sidaas kula taliyey. Balse markii ay shacabkii shib ka yiraahdeen dunuubta diimeed ee lagu galay magacooda, ee loogu gefay Qur’aanka Kariimka ah ayaa ALLIHII weynaa wuxuu amray malaa’igtiisii inay hubiyaan sidii lagu hallaagi lahaa Soomaalidu meel ay joogto. Waxaa natiijadii ay maanta noqotay in sharafta laga qaado Soomaalidii, laguna dulleeyo meel walba, la cabiidiyo, la ciqaabo, dalkoodiina uu noqdo waddanka keliya caalamka ee qof ka soo jeeda aad ka helayso from Siberia to Sierra Leone, from Botswana to Bulgaria, all over the world. Weli ma ka towbad keennay caradii uu keligii taliyihii xukunka marooqsaday uu magaceenna kaga careysiiyey ALLIHII weynaa ee na abuuray? MAYA, balse bilkcaksi weli halaaggii iyo hooggii ayaa malab iyo macaan noo ah ee Allow na mooti anya Aay Iisho.

Qaar baa oran doona ‘haddeerba culumada waa la laayaa’. Haddeer yaa garanaaya waxa laaya? Waxaa laaya wax magacyo badan oo aan la garanayn meel loo raaco, waxaana lagu dhex laayaa fowdada dalka ka socota. Annagu waxaan ka hadleynaa marka la isku laayo, laguna dambaabo magacii Qaranka Soomaaliyeed, ee ummadda ka wada dhexeeyey. Waa markaas marka qof kasta oo Soomaali ah ay saameynayso carada Alle. Qaran uu qof kasta wax ku leeyahay marka magaciisii loogu gefo ALLIHII weynaa dhaxalkiisu waa burbur iyo baa ba’. War iyo dhammaantiis (warku wuxuu galaa wixii diin, damiir iyo dadnimo leh, ee war garta Soomaaliyeey), bal halkaan hoose ee YouTube-ka ah ka daawada khudbaddii fircooniga ahayd ee loo bixiyey ‘yowmul qiyaame’, ee uu jeediyey Maxamed Siyaad Barre markuu toogtay culumada.

https://youtu.be/znCofzFMeXY

(Maxamed Xaaji Ingiriis waa PhD Candidate jaamacada Oxford. Wuxuu kaloo cilmi-baare ka yahay King’s College London).

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *