MUUQAAL: Khudbadii Xaaf ka jeediyey Nairobi, Xaalada Galmudug iyo Jawaab uu siiyey Madaxweyne Farmaajo

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

MUUQAAL: Khudbadii Xaaf ka jeediyey Nairobi, Xaalada Galmudug iyo Jawaab uu siiyey Madaxweyne Farmaajo

May 18, 2019| Arlaadi Online

Nairobi. Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha maamulka Galmudug  ayaa Khudbad dhinacyo badan Taabanaysa ka jeediyey magaalada Nairobi oo kulan uu Kula yeeshay Jaaliyadda deegaanada Galmudug kasoo jeeda, Wuxuuna  jawaab ka bixiyay hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xaaf ayaa wuxuu ka hadlay xaalada guud ee Galmudug,    Waxyaabaha u Qabsoomay,  Culaysyadda kala duwan ee Haysta  iyo Colaadii Gaalkacyo oo lasoo Afjaray.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Xaaf ku tilmaamay inuu diiday qaadashada Daawada xalka u aheyd Galmudug, taasi oo aheyd in waqti kordhinta uu doonayo uu kala tashada shacabka deegaanada Galmudug, islamarkaana ay iyaga u ogolaadaan.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa si cad u sheegay inaysan aqbaleyn muddo kororsi ay sameeyaan madaxda maamul goboleedyada iyo madaxda dowladda Soomaaliya, taasi oo keentay in lagu kala tago shirkii magaalada Garoowe.

Madaxweyne Xaaf oo ka jawaabayay hadalkii madaxweyne Farmaajo isaga oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu weydiistay Hub, balse uu ugu jawaabay “Ma Caabudwaaq ayaad ku weerari rabtaa” sida uu sheegay Xaaf.

Madaxwayne Xaaf ayaa halkaasi ka jeediyay Hadalo Dhinacyo badan Taabanayay isagoona walaac ka muuniyay in Dowladda Soomaaliya ay ku socoto Wadadii Bur burka, sida uu hadalka u dhigay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO-GA.

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *