Nabad iyo Nolol oo gabi ahaan lumiyay kalsoonida shacabka Koonfur galbeed

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

Nabad iyo Nolol oo gabi ahaan lumiyay kalsoonida shacabka Koonfur galbeed

November 27, 2018| Arlaadi Online

Farmaajo iyo Khyare oo ku ceeboobay faragelinta doorashada Koonfur galbeed, waa isdaayeen iyaga iyo reer Koonfur galbeed.

Labada nin waxay hada khatar ama threat ku yihiin doorasho xor ah, xalaal ah oo ka dhacda Koonfur galbeed. Waxaa isa soo taraya cabsida laga qabo in doorashada Baydhabo aysan ku dhicin si nabad ah iyada oo ay magaalada kusoo wajahan yihiin sida la sheegay ciidamo si toos uga amar qaata Fahad Yaasiin.

Rajada laga qabo inay Baydhabo ka dhacdo doorasho xor ah, xalaal ah oo si nabad ah ku dhacda waa 20%. Cabsida laga qabo inay dhacdo doorasho ay la socdaan rabshado iyo dagaal ay horseed ka tahay dowlada federaalka waa 80%.

Rajada laga qabo in Farmaajo iyo Khayre ay ku guuleystaan doorashada Koonfur galbeed iyaga oo adeegsanaya wada kasta oo sharci daro ah waa 50%. Rajada Roobow iyadana waa 50%.

Rajada laga qabo in Farmaajo iyo Khayre ay kalsooni ka helaan Koonfur galbeed doorashada ka dhici doonta dalka 2020-ka waa 5%.

Farmaajo iyo Khayre waxaa ka suurtoba wax kasta si ay Koonfur galbeed uga dhigtaan jaraanjaro ay ku gaaraan danahooda guracan iyo damacooda ku Aadan doorashada ka dhici doonta dalka sanadka 2020-ka.

Waa suurogal in Farmaajo iyo Khayre ay ku guulaystaan dagaalka hore ee ay kula wareegayaan talada Koonfur galbeed, waxayse ku guul dareeysan doonaan dagaal dambe ee ay ku doonayaan inay kusoo laabtaan xukunka dalka.

W/D. Ahmed Nuur Arlaadi

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *