People’s Party Congratulates Cabdicasiis Xasan Maxamed On Election Of Southwest State of Somalia. XISBIGA UMMADDA oo u Hambalyeey Madxaweynaha cusub ee Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen)

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA,XISBIGA UMMADDA |

People’s Party Congratulates Cabdicasiis Xasan Maxamed On Election Of Southwest State of Somalia. XISBIGA UMMADDA oo u Hambalyeey Madxaweynaha cusub ee Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen)

January 16, 2019| Arlaadi Online

Hambalyo ku socota Madaxweynaha cusub ee Koonfur galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Mudane Madaxweyne,

Aniga oo ku hadlaaya magaca xisbiga siyaasadeed ee XISBIGA UMMADDA, iyo magacayga gaarka ah ayaan si farxad leh kuugu soo jeedinayaa hambalyo diiran ka dib markii maanta oo Arbaco ah 16-ka bishan Janaayo 2019-ka laguu caleemo saaray Jagada Madaxweyne ee Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed.

Mudane Madaxweyne waxaad ii ogolaata inaan carabka ku dhifto haraadka weyn ee shacabka Koonfur galbeed u qabo isbaddel dhab ah, dowlad wanaag, horumar, cadaalad iyo nolool wanaagsan oo tii hore dhaanta. Waxaan ku kalsoonahay inaad ka shaqeeyn doonto dib-u-heshisiinta shacabka Koonfur galbeed, kuna hoggaamin doontid cadaalad, wadajir iyo Midnimo lagu gaaro Nabad, Barwaaqo iyo Horumar.

Waxaan kuu rajeynayaa Mudane Madaxweyne guul buuxda oo ku wajahan gudashada Masuuliyada laguu igmaday iyo howshaan aadka u culus aadkana u qiimaha badan.

Rajo wanaagsan ayaan ka qabaa Mudane Madaxweyne inaad Koonfur Galbeed ku Hoggaamin doonto Caddaalad, Sinnaan, Midnimo iyo Horumar.

Allaha kula jiro Mudane Madaxweyne. Aamin.

WA BILLAAHI TAWFIIQ,

Inline images 1

Ahmed Nuur Arlaadi

Interim Chairman of People’s Party of Somalia

Arladun@hotmail.com

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *