People’s Party Congratulates Said Abdullahi Deni On Election Of Puntland. XISBIGA UMMADDA oo u Hambalyeey Madxaweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdulaahi Deni

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA,XISBIGA UMMADDA |

People’s Party Congratulates Said Abdullahi Deni On Election Of Puntland. XISBIGA UMMADDA oo u Hambalyeey Madxaweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdulaahi Deni

January 9, 2019| Arlaadi Online

The Interim Chairman of people’s Party Ahmed Nuur Arlaadi, has congratulated President Said Abdullahi Deni and Vice-President Ahmed Elmi Karash on their election as President and Vice-President of Puntland. 

Hambalyo ku socota Madaxweynaha cusub ee Puntland, Mudane Saciid Cabdulaahi Deni

Mudane Madaxweyne,

Aniga oo ku hadlaaya magaca xisbiga siyaasadeed ee XISBIGA UMMADDA, iyo magacayga gaarka ah ayaan si farxad leh kuugu soo jeedinayaa hambalyo diiran ka dib markii uu shalay oo Talaado ah 8-da bishan Janaayo 2019-ka Baarlamaanka Puntland kuu doortay Jagada Madaxweyne ee Dowlad Goboleedka Puntland.

Mudane Madaxweyne waxaad ii ogolaata inaan carabka ku dhifto haraadka weyn ee shacabka Puntland u qabo isbaddel dhab ah, dowlad wanaag, horumar, cadaalad iyo nolool wanaagsan oo tii hore dhaanta. 

Waxaan kuu rajeynayaa Mudane Madaxweyne guul buuxda oo ku wajahan gudashada Masuuliyada laguu igmaday iyo howshaan aadka u culus aadkana u qiimaha badan.

Allaha kula jiro Mudane Madaxweyne. Aamin.

WA BILLAAHI TAWFIIQ,

Inline images 1

Ahmed Nuur Arlaadi

Interim Chairman oPeople’s Party of Somalia

Arladun@hotmail.com

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *