PM Abiy Ahmed oo shirka Nairobi ku dhexmaray Uhuru iyo Farmaajo kasoo saaray War ka Duwan Kan Villa Somalia

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

PM Abiy Ahmed oo shirka Nairobi ku dhexmaray Uhuru iyo Farmaajo kasoo saaray War ka Duwan Kan Villa Somalia

March 7, 2019| Arlaadi Online

Xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa qoraal uu soo saaray oo lasoo dhigay Twitter-ka ku sheegay arrimihii ay ka wad hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Warkaan  ayaa ah mid ka duwan kan Villa Somalia, wuxuuna si dadban u sheegaya in labada Madaxweyne ay ka wada hadleen arrimaha badda, inkasta oo aan magac ahaan loo sheegin in laga wada hadlay badda.

Warka kasoo baxay xafiiska PM Abiy wuxuu u qornaa sida hoose.

Xafiiska Ra’iisul wasaare Abiy ayaa isticmaalay luqad diplomaasiyadeed si aysan qoraalkooda uga xumaan Madaxda Soomaaliya isla markaana ay fariintooda kula wadaagaan saxaafada iyo Beesha Caalamka. Inkasta oo ay dhici karto in Madaxda Soomaaliya aysan fahmin fariinta qarsoon ee ku jirtay qoraalka kasoo baxay xafiiska PM Abiy Ahmed.

Warka kasoo baxay xafiiska RW Abiy si toos ah looguma sheegin in shirka looga wada hadlay Badda Soomaaliya, balse waxaa lagu yiri waxaa laga wada hadlay the source of the two countries dispute Badda Soomaaliya ee muranka la galiyay. 

Warka kasoo baxay Villa Somalia waa mid ka fog xaqiiqda arrimihii looga hadlay shirkii dhexmaray Uhuru iyo Farmaajo kana qariyay Ummadda Soomaaliyeed xogta dhabta ah ee wixii laga wada hadlay. Warka PM Abiy ayaa runta u dhow.

W/D. Ahmed Nuur Arlaadi

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *