Qormo ay tahay in qof walba oo Soomaali ah uu akhriyo. Daawo Dhacdo Murugo leh Gabadh lagu dilay Maxaad gabooye u Guursatay

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,Maqaalo,WARARKA MAANTA |

Qormo ay tahay in qof walba oo Soomaali ah uu akhriyo. Daawo Dhacdo Murugo leh Gabadh lagu dilay Maxaad gabooye u Guursatay

Talaado May 23, 2017| Arlaadi Online 

Waa inaan barano qiimaha ay caddaaladu u leedahay bulshada.

Ummadda Soomaaliyed isku si uma wada fakiraan, shacabku ma wada xuma mana wada fiicna, sidoo kale qabiil wada xun ma jiro qabiil wada fiicana ma jiro ee waxaa jira dad wanaagsan iyo dad xun oo ku jira qeyb walba oo ummadda Soomaaliyed ka mid ah gobol walbana laga helayo. Kuwa gabadha dilay waa Soomaali balse Soomaalida oo dhan sida ma wada aha.

Marka aad daawato video-ga dhacdo murugo leh ka dib halka hoose ka daawo gabadh Soomaaliyed oo leh “reerka gabooyaha waa walaalaheen waa dad naga fiican waxay kalo gabadhu si kalsooni ku jirto u tiri hadii aan heli lahaa nin gabooye ah waan guursan lahaa”.

Dowlada Federaalka iyo Maamul goboledyada waa inay dhiiri galiyaan dhalinyarada ka fiyow cudurada qabyaalada sida gabadha walaasheen ah Khayr Allaha siiyo.

Waa in dib uheshisiinta Soomaaliya ee ay dowladu ku baaqday lagu daro in cafis la weydiisto beelaha la heyb sooco lana xaal mariyo. Dal Muslim ah oo u burburay sida Soomaaliya si ay u helaan dowlad wanaagsan iyo nabad waa in si wada jir ah looga hortago dulmi oo dhan si ay usoo laabato kalsoonida iyo Midnimada Ummadda Soomaaliyed.

Waa in sidoo kale ay dowalda Federaalku sameeyso ha’yad ama wasaarada dib uheshisiinta waax ama department ka mid ahna loo gaar yeelo ka hortaga dulmiga ku saleysan heyb sooca. Department-ka ama Waaxdu waa inay sidoo kale ka shaqeeysa isdhexgalka iyo isgursahsada qabiilada Soomaaliyed iyada oo aan cidna la quursan.

Gabadh Raadinaysa Wiil Gabooye ah oo Hees- Jacayla u Qaaday. Dhageyso laga bilaabo daqiiqada 8-aad. Heesta “Gabooye waa kuwaan haybinaynay”.

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *