S O M A L I A. Welcome to the Peoples Party. Curashada (Xisbiga Ummadda) iyo Fulinta balantii lala galay Halgame Maxamed Cabdi Yusuf

Filed under: Maqaalo |

S O M A L I A. Welcome to the Peoples Party. Curashada (Xisbiga Ummadda) iyo Fulinta balantii lala galay Halgame Maxamed Cabdi Yusuf

September 29, 2018| Arlaadi Online

“Be the change that you wish to see in Somalia.” 

Isbaddel dhab ah wuxuu dhacaa markii ay Ummaddu u kacdo. Ilaahey wuxuu yiray: ” ان الله لا يغير ما بقوم حتى يغيروا ما بأنفسهم “

Image result for somalia flag

People’s Party of Somalia. MSGA Make Somalia Great Again. (Xisbiga Ummadda Somaliyeed) 

Xisbiga Ummadda: Wuxuu u taagan yahay soo celinta dowlad wanaaga, cadaalada, Nabada sharafta iyo Karaamada Ummadda  Soomaliyeed meel kasta oo ay joogaan Dal iyo dibad.

Xisbiga waxaa leh Ummadda Soomaaliyeed oo dhan, Maya koox gaar ah, Maya degaan gaar ah, Maya Afkaar gaar ah. Waa xisbi ay u siman yihiin dadka bilaaba iyo dadka ugu dambeeya ee ka mid noqon doona.

Ma laha Madax rasmi ah oo la doortay, waxaa sii wadi doon xubno ku meel gaar ah. Hal sano ka dib ayuu xisbigu dooran doona Madax rasmi ah oo lagu soo dooran doono si daahfuran iyada oo la qaban doono shirweyne ama (National Convention) ay kasoo qeyb gali doonaan kumanaan xubnaha xisbiga iyo saxaafada kasoo socon doona muddo toddobaad ah.

Ergada Xisbiga oo dhan ayaa go’aan ka gaari doonta inay Murashax u dirsdaan doorashada ka dhici doonta dalka sanadka 2020-ka. Xubnaha ka midka ah Xisbiga waa ay noqon karaan Murashax marka ay buuxiyaan shuruudaha doorashada ee Xisbiga.

Waxaa Murashax noqon kara dadka ugu horeeya ee bilaabo Xisibiga Ummadda iyo dadka ugu dambeeya ee ka mid noqda Xisbiga afar toddobaad ka hor shirweynaha Xisbiga, maxaa yeelay Xisbigaan waa uu ka duwan yahay dhamaan Xisbiyada kale ee dalka, waana sababta uu u yahay Xisbiga Ummadda oo Soomaali oo dhan ayaa wada leh. Ujeedaduna ma ah in lagu helo xilal iyo kuraas ee waa in lagu badbaadiyo dadka iyo dalka.

Waxaa mabda’ noo ah ah Dardaarankii Halgame Maxmamed Cabdi Yusuf oo horey u yiri Waxaa iga maqan ma aha Madaxnimo iyo xil ee waxaa iga maqan dad iyo dal waxaa iga maqan Soomaaliya oo dhan”. Xisbiga Ummadda waxaa ka maqan Dad iyo Dal.

“Never doubt that a small group of thoughtful, committed citizens can change the world; indeed, it’s the only thing that ever has.” Margaret Mead. This quote from anthropologist Margaret Mead has been used million times. It speaks to the power of people mobilization; the power of true change that starts from the bottom, or from many places but not necessarily form the top; to the power of social movements.

Image result for people's party

Politician focus on next Election – People’s Party focus on next generation.

La soco qeybaha dambe ee qoraalada Xisbigaaga (Xisbiga Ummadda). Dalka Adiga, Aniga iyo Shacabka Soomaaliyeed oo dhan ayaa wada leh, hadii aad qeyb ka noqoto oo Aad weliba horkacdo waaa suurtagal inaan badbaadino Dadka, Dalka iyo Mustaqbalka Jiilasha Soomaaliyeed ee soo koraya.

WA BILLAAHI TAWFIIQ,

Inline images 1

Ahmed Nuur Arlaadi

Arladun@hotmail.com

Sii Hayaha Xisbiga Ummadda

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *