Safiirka cusub ee Dowladda Soomaaliya u magacawday dalka Qatar oo Waraaqihiisa gudbiyey

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

Safiirka cusub ee Dowladda Soomaaliya u magacawday dalka Qatar oo Waraaqihiisa gudbiyey

September 6, 2018| Arlaadi Online

زير الدولة للشؤون الخارجية القطري يتسلم نسخة من أوراق اعتماد سفير الصومال

الدوحة، ٥ سبتمبر/ أيلول ٨ ١ ٠ ٢ – – تسلم سعادة السيد سلطان بن سعد المريخي وزير الدولة للشؤون الخارجية لدولة قطر، اليوم، نسخة من أوراق اعتماد سعادة السيد عبدالرزاق فارح علي سفير جمهورية الصومال الفيدرالية.

*

HE the Minister of State for Foreign Affairs Sultan bin Saad al-Muraikhi yesterday received the credentials of Somalia’s ambassador Abdul Razak Farah Ali.

Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u magacawaday dalka Qatar ayaa waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyey wasiiru dowlaha arrimaha dibadda dalkaasi Sultan Bin Sacad.

Safiirka cusub oo dhowaan gaaray magaalada Doha ayaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Dowladda Qatar Sultan Bin Sacad Al-Muraikhi wuxuu ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo Safiirka cusub Cabdirisaaq Faarax Cali, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Qatar.

Wasiiru dowlaha ayaa u rajeeyay Safiirka cusub ee Soomaaliya inuu ku guuleysto howlaha loo igmaday, waxaana uu ballanqaaday in uu ku garab istaagi doono xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sare u qaadida iskaashiga wadaaga ah oo la gaarsiiyo heerar kala duwan.

Cabdirisaaq Faarax ayaa hore u ahaa danjiraha Soomaaliya ee dalka Cumaan, waxaana bil kahor loo magacaabay howshan cusub oo noqonaysa wejiga labaad ee geedi socodkiisa diblomaasiyadeed.

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *