Sawirada qaar ka mid ah Tageerayaasha Shariif Xasan ee doorashada Koonfur galbeed. Mase ogtahay in Ra’iisul wasaare Khayre uu si hoose ula shaqeeyo Shariifka?

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

Sawirada qaar ka mid ah Tageerayaasha Shariif Xasan ee doorashada Koonfur galbeed. Mase ogtahay in Ra’iisul wasaare Khayre uu si hoose ula shaqeeyo Shariifka?

November 1, 2018| Arlaadi Online

Dumiyayaasha Koonfur galbeed 3-da gobol

Image result for shariif xasanImage result for Xasan SheekhRelated imageImage result for Hassan Ali KhayreImage result for Cabdiwali Gaas

Waa inta Faragelinta ku haysa doorashada Koonfur galbeed oo laga cabsi qabo inay sii kala jebiyaan Maamulka 3da gobol ka kooban. 

Faragelinta Farmaajo waa muuqataa oo wuxuu wataa Lafta gareen, Faragelina Xasan Sheekh iyo Cabdiwali Gaas waa qarsoon tahay iyaga oo sida la sheegay taageeraya Shariif Xasan. 

Waxaa sidoo kale lasoo sheegay in Ra’iisul wasaare Khayre uu si hoose ula shaqeeyo ama u taageersanyahay Shariif Xasan oo uu isleeyahay waji fiican ka sameeyso hadii ay dhacdo inuu ku guuleysto doorashada.

Sawirada qaar ka mid ah Tageerayaasha Shariif Xasan ee doorashada Koonfur galbeed

Image result for shariif xasan

Image result for Xasan SheekhImage result for Hassan Ali KhayreImage result for Cabdiwali Gaas

Xasan Sheekh iyo Cabdiwali Gaas horey ayaan u ogeyn. Hadaba maxaa RW Khayre kusoo daray liiska taageerayaasha Shariif Xasan?

RW Khayre ayaa lagu xantaa inuu isku diyaarinayo doorashada ka dhici doonta dalka sanadka 2020-ka iyada oo la leeyahay wuxuu sameeysan doonaa Xisbi u gaar ah oo kama mid noqon doono Xisbiga Farmaajo.

Waana sababta ku kalifaysa ayaa la leeyahay inuu si hoose u taageero Shariif Xasan iyo Murashixiin kale oo qarsoon oo uu isleeyahay waxaa dhici karta in mid ka mid ah uu guuleeysto.

Dhammaan Siyaasiyiinta isku haya doorashada Koonfur galbeed waxba isma dhaamaan waa wada danaystayaal raba inay Koonfur galbeed ka dhigtaan stepping stone ay ku gaaraan danahooda gaarka ah. Maamul wanaag iyo horumar ka dhaca Koonfur galbeed macno badan uma lahan ee waa yaa ii shaqeeyn kara

Arlaadi Online waxay si joogta ah idiin kusoo bandhigi doontaa, kuna dadaali doontaa in dhammaan siyaasiyiinta fasilmay aysan mar dambe Koonfur galbeed ka dhigan jaraanjaro ay ku gaaraan danahooda gaarka ah, ka dibna marka ay qabtaan talada Dalka ay Soomaaliya oo dhan u horseedaan Maamul xumo, Musuq-maasuq, dib u dhac iyo kala qeybsanaan sida hada taagan. 

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *