Sawirada Toddobaadka. Photos of the week (May 27– June 03)

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,SAWIRADA TODDOBAADKA,WARARKA MAANTA |

Sawirada Toddobaadka. Photos of the week (May 27– June 03) 

Isniin June 05, 2017| Arlaadi Online 

Akhriste sawirada todobaakaan u codee sadexda aad isleedahay waxaa ay galayaan kaalimaha hore. La soco toddobaadka danbe.

1- Madaxwayne Farmaajo oo gaaray Magaalada Cadaado oo uu kaga qeybgalay Xaflada Caleema Saarka Madaxwaynaha Galmudug. Madaxweyne Farmaajo oo uu weheliyo Madaxweynaha cusub ee Galmudug Mudane Xaaf. Cadaado

Related image

2- Madaxda Galmudug, Puntland iyo Jubbland oo kullan ku yeeshay magaalada Cadaado.

3- Madaxda Galmudug, Puntland iyo Jubbland oo Lug ku maray Magaalada Cadaado.

4- Wasiirka ugu shaqada badan xukuumada RW Khayre Dr. C/raxmaan Ducaale Bayle “Madaale” oo kormeer ku tagey Xaruunta Hogaanka ilaalinta Canshuuradka ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Muqdisho

Image may contain: 1 person, sitting

5- Rachid Nekkaz waa Nin Milyaneer Taajir ah oo u dhashay dalka Faransiiska balse asal ahaan ka soo jeeda wadanka Aljeeriya , wuxuuna ninkaan quus iyo jahwareer ku riday dowlada Faransiiska . Maalqabeenka Rachid Nekkaz ayaa bilaabay olole looga soo hor jeedo mamnuucida Xijaabka ama Niqaabka wuxuuna Dumarkii asturnaa u diray inay ku yaacaan goobaha laga mamnuucay isagana uu bixin doono qarashka lagu soo ganaaxo. Paris, France

6- Diyaarad qaas ah oo Muqdisho ka qaaday Dhaawacyada askar dalka wax looga qaban waayay oo loo qaaday dalka Sacuudiga. Muqdisho

7- Ciidamada Puntland oo magaalada Gaalkacyo ku xirxiray Kooxo ma Soomayaal ah. Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Puntland (PSF) ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo waxay ku soo qabteen 15 nin oo ka tirsan kooxaha ma soomayaasha ah. Kooxahan ayaa la soo qabtay iyaga oo sameysanaya raashiin, isla markaana isticmaalaya waxyaabaha maanka dooriya sida shiishada iyo Xashiishka. Gaalkacyo, Puntland.

8- Paul Pogba, world’s most expensive footballer, visits Mecca. Paul Pogba oo ah Ciyaaryahanka Dunidda ugu qaalisan una ciyaara kooxda Manchester United ee dalka Ingiriiska oo ku sugan Sacuudi Carabiya.

Manchester United midfielder Paul Pogba pictured in January 2017

9- The world’s most expensive footballer is on a pilgrimage to Islam’s holiest city as he marks the start of Ramadan. Paul Pogba oo ah Ciyaaryahanka Dunidda ugu qaalisan una ciyaara kooxda Manchester United ee dalka Ingiriiska oo ku sugan Sacuudi Carabiya gaar ahaan magaalada Barakeeysan ee Makka, oo uu u tagay in uu ku cumreysto. Makka, Sacuudi Carabiya.

Image result for Paul Pogba in Mecca

10- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada JFS Mudane Xasan Cali Khayre oo kullan gaar ah la qaadanaya Beesha Caalamka. Kullanka oo uu ujeedadiisu ahaa inuu warbixin ka siiyo xaaladda dalka, isla markaana uu ku codsaday in labada dhinacba ay la yimaadaan isla xisaabtan dhab ah oo dhameystiran. Muqdisho

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides.

Arladun@hotmail.com

Sawirada Toddobaadyadii hore halkaan ka daawo.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *