Sawirada Toddobaadka. Somalia’s week in pictures (10 June – 18 June) 2017. 

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,SAWIRADA TODDOBAADKA,WARARKA MAANTA |

Sawirada Toddobaadka. Somalia’s week in pictures (10 June – 18 June) 2017. 

Axad June 18, 2017| Arlaadi Online 

Akhriste sawirada toddobaadkaan u codee sadexda aad isleedahay waxaa ay galayaan kaalimaha hore. La soco toddobaadka danbe.

1- Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray shirweynaha Wadatashiga ee Hannaanka dib u heshiisiinta Soomaaliya. Muqdisho

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo oo salaadda Jimcaha kula tukaday boqolaal shacab ah Masjidka Isbaheysiga Islaamka, isagoo shacabka ka dalbaday inay la shaqeeyaan dowlada. Muqdisho

3- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Itoobiya

4- Xarunta Baarlamanka Puntland oo la casriyeeyey Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa xariga ka jaray. Garoowe.

5- Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeer Shaqo Ku Maray Qaar Kamid Ah Degmooyinka Muqdisho.

6- Ra’iisul wasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo garoonka Aadan cadde ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ee Britain haweeneyda lagu magacaabo Mss Priti Patel. Muqdisho

7- Raisul wasaare Khayre oo Isbitaalka ku booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii Pizza House

8- Jawiga Muqdisho Afurka Ka Hor Iyo Howlgallada Sugidda Amniga Caasimadda. Sawirro ka tarjumaya jawiga wadooyinka Muqdisho xiliga afurka ka hor iyo sida ay u socdaan howlgallada xasilinta amniga Caasimadda. Muqdisho

9- Sida ay u socdaan howlgalada ay ciidamada xasilintu ku sugayaan amniga Muqdisho.

10- Wasiirada Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland Aniisa Xaaji Muumin oo ka qayb gashay munaasabad lagu maamuusayay maalinta caruurta Africa oo ku beegan 16 June sanad kasta, waxaana munaasabaddaas si wada jir ah usoo qaban qaabiyay Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska iyo Wasaaradda Waxbarashada Puntland. Garoowe

Maalinta carruurta Afrika oo Garoowe laga xusey.

11- Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo Daah-furey shirweynaha Wadatashiga ee Hannaanka dib u heshiisiinta Soomaaliya. Muqdisho

12- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo ku sugan magaalada Madrid ee dalka Spain ayaa kulan la qaatay Mr Taleb D. Refai, Xoghayaha Guud ee Hay’ada Dalxiiska Adduunka (World Tourism Organization) oo fadhigoodu yahay Madrid. Spain

13-Wasaaradda Haweenka ee dowlada Federaalka oo tababar la xiriira fahamka xaquuqda carruurta u qabatay qeybaha bulshada. Muqdisho

14- Sawirka waxaa ka muuqda Abuukaate Cali Xalane. Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida dowlada Soomaaliya oo soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwada kiiskii dilka Allaha u naxariistee Wasiir Cabaas Sheekh Siraaji oo uu dilay Askari katirsan ciidanka dowlada oo ilaalo u ahaa Hanti Dhowrihii hore ee Qaranka Dr Nuur Faarax Jimcaale. Muqdisho

15- Maxkamada Ciidamada oo soo gaba gabeysay dhageysiga  eeydeymihii loo heystay Dable Xoogga Axmed C/llaahi Cabdi Ceydiid iyo Seddax alifle Cusmaan Salaad Barre oo ku eedeysan dilka Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska.

16- Gogobolka Harlaa ee bariga dalka Itoobiya ayaa laga helay magaalo qadiim ah oo la iska iloobay, waxaa la aaminsan yahay in magalaadani ay qarniyo ka hor ahaan jirtay xarun ganacsi. Itoobiya

17- Hay’adda Somali Relief Network of North America oo raashin afurin ah u qeybisay qoysas ku nool Afgooye. Afgooye

18- Taliska booliiska magaalada Baydhabo oo soo bandhigay Sedex dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dil Masjid kuyaala magaalada Baydhabo loogu dhax geestay Sheekh Maxamed Deyr oo kamid ahaa Culumada Baydhabo. Baydhabo

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides.

Akhristayaasha sharafta leh Aragtidiina iyo sawirada ama muqaalada Aad isleedahay waxay mudan yihiin tixgelin toddobaadka soo socda noogu soo dir emailka ah: 

Arladun@hotmail.com

Sawirada Toddobaadyadii hore halkaan ka daawo.

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *