Shariif Xasan vs Fahad Yaasiin. Wiil iswaalaba, waabiyaa hela ayaa horey loo yiri Shariifow + Ahmed Arlaadi oo Shariif Xasan kula taliyay inuu ka tanaasulo Murashaxnimadiisa

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

Shariif Xasan vs Fahad Yaasiin. Wiil iswaalaba, waabiyaa hela ayaa horey loo yiri Shariifow + Ahmed Arlaadi oo Shariif Xasan kula taliyay inuu ka tanaasulo Murashaxnimadiisa

November 3, 2018| Arlaadi Online

Image result for Fahad YasinImage result for shariif xasan

Xildhibaanda Koonfur galbeed oo lugahooda ku codeeyay ka hor doorashadii loo balansanaa 17-ka November iyaga oo ku qulqulaya magaalada Muqdisho. Fahad Yaasiin oo la sheegay inuu ka faaideeystay duruufaha xun ee haysta Shariif Xasan.

Image may contain: one or more people and people sitting

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho ayaa sheegaya in tirada Xildhibaanada Koonfur galbeed ee gaaray Magaalada Muqdisho sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay ay kor u dhaafayaan 75 Xildhibaan.

Xildhibaanada Koonfur galbeed ee u socdaalay magaalada Muqdisho waxaa laga fahmayaa sida ay u kala tageen iyaga iyo Shariif Xasan, dowladuna uga faaideeysatay. 

Waxaa sidoo kale maanta ka dhoofay magaalada Baydhabo 19 Xildhibaan oo hor leh kuwaasoo uu hogaaminayo Xildhibaan Ibdow Aasy.

Xildhibaano xalay shariif xasan u tagay ayaa la sheegay in Shariif Xasan uu ku yiri ordaha idinkana aada Xamar. Waa hadal muujinaya niyad jabka haysta Shariif Xasan oo iloobay dulmigii uu ka galay dadka Koonfur galbeed 4 sano ka hor oo uu ka bur buriyay Maamulkii lixdii gobol isaga oo kaashaanaya dowladii hore ee uu Madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh.

Maanta wuxuu leeyahay Shariif Xasan waxaa jira Murashixiin kaashanaya dowlada Farmajo, Nabsigii uu shalay Ummadda ka galay ee uu iloobay ayaa helay.

Hadaba hadii uu xaalku sidaas yahay horayna loo ogaa in Shacabka Koonfur galbeed ay kalsoonidii kala noqdeen Shariif Xasan iyaga oo raba Isbaddel ka dhaca Koonfur galbeed, waxaan kula talin lahaa Shariif Xasan inuu ka tanaasulo Murashaxnimada uu ku dhawaaqay maalintii shalay.

Maxaa yeelay ma ii muuqato  fursad uu ku guulaysan karo Murashax Shariif Xasan waxaana hortaagan arrimo ay ka mid yihiin:

1- Shariif marnaba kama guulaysan karo rabitaanka shacabka Koonfur galbeed oo u hamuun qaba Isbaddel siyaasadeed ama hogaamineed oo ka dhaca Koonfur galbeed.

2- Dowlada dhexe oo uu Shariif Xasan kala dhaxeeyo dagaal siyaasadeed, dowalada ayaa dadaal xoog leh ugu jirta sidii Shariif looga guulaysan lahaa.

3- Isbaddelka ka dhacay Itoobiya oo saameyn ku yeeshay Awoodii uu Shariif Xasan ku lahaa degaanada Koonfur galbeed. Sidoo kale Taliyihii ciidanka Booliska Koonfur galbeed General Mahad Cabdiraxmaan oo garab weyn u ahaa Shariif Xasan intii uu xilka hayay ayaa haatan u wareegay dhinaca Murashax Lafta Gareen.

4- Murashaxa ay dowladu wadato sida la sheegay ee Abdul aziz Lafta Garen oo kasoo jeeda Beel ku xoogan gobolka Bay, markii horena ka mid ahaan jiray saraakiishii Ururkii RRA oo laga jeclaa degaanada Koonfur galbeed. 

4- Ugu dambeyn Xildhibaanada Koonfur galbeed ee dooranaya Madaxweynaha cusub oo tiradii ugu badnayd ay iskaga soo tageen magaalada Bayhabo, fariisina ka dhigtay Xamar, iyada oo la leeyahay waxay wadahadal ku saabsan doorashada ka dhici doonta Koonfur galbeed kula jiraan Madaxda dalka.

W/D Ahmed Nuur Arlaadi

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *