Sheekh Xasan Jaamici oo 5 talo iyo Waano u jeediyay Madaxda Qaranka, Xildhibaanada iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyed

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

Sheekh Xasan Jaamici oo 5 talo iyo Waano u jeediyay Madaxda Qaranka, Xildhibaanada iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyed

Talaado September 12, 2017| Arlaadi Online 

Image result for Xasan Jaamici

Ilaahey ha ka cabsadeen wasiirada iyo xildhibaano ku jira forumka oo ha ogaadeen in adduunka iyo aakhiro lagu xisaabin doono kitaabka ay ku dhaarteen oo ah inay ilaaliyaan danta dadka, dalka, diintana ay raacaan. Way arkeen waxaan dhahnay ama qornay.   

Suuradda Alxashar waxaa jirta aayadda dhaheysa haddii ay dadka ay hilmaamaan Ilaahey iyo xisaabtiisa aakhiro Ilaahey wuxuu halmaansiiyaa naftooda iyo wixii la xiriira oo ah inay kala garan wanaaga iyo xumaanta.  Waa khalad iyo dambi in ruux muwaadin halgamaa Soomaali ah ay dowladdii ilaalin laheyd ay u dhiibto cadow.

Haddii ay dowladda sidaasi ku socoto waxaan dareemaan inay ku jirto yasid.  Waayo Md Farmaajo ilaa iyo hadda lama hadlaayo shacabka xitaa ma dhahayaan waan khaldanay na cafiya.  

Waxay la soo taagan yihiin been abuur inay  ONLF ay urur argagixiso tahay oo Qalbi Dhagax uu qof argagixiso yahay isla markaana uu al shabaab iyo al qaacido uu ka tirsan yahay. (Al shabaab way diideen inuu xiriir la leeyahay). 

Heshiisyada waa la beeniyey xitaa haddii ay jiraan ma ahan heshiisyo dhaqan gal ah waayo baarlamaanka Soomaaliya ma ansixin.  Weligey ma arag dowladda been cad la soo taagan oo xaqireysa dadkeeda.

Hadda iyo talo:

1. Forumka (Talo iyo Tusaale iyo Midnimo) gudi iska doorto si deg deg ah oo la xiriira dowladda siiba Madaxweynaha oo siiya talo waayo diinta wa naseexo sidee laba la isku miisaami lahaa:

a- In si deg deg ah uu Qalbi Dhagax xoriyaddiisa u helo iyo in laga jawaabo dareenka shacabka 

b- In dowladda heykalkeeda aan la taaban iyadoo xisaabtan caadil ah la codsanayo in lala xisaabtamo shaqsiyaadka ka dambeeyey dhacdada Qalbi Dhagax oo marna la yareysan xitaa hadduu Md Farmaajo uu ku jiro. 

2- Haddii Forumka diyaar u aheyn howshaan inay talaabo caadil oo caadifo laheyn uu qaado inaan dooda halkan ku xirno oo qof weliba oo dhiig iyo dareen leh uu ka qabto wixii karaankiisa ah oo ay duco ugu yar tahay.

3- Inaan Ilaahey ka cabsano oo arintan la siyaaseyn  waayo arin ku saleysan qof naftiisa iyo mustaqbal ummad dooneysa inay madax banaanaato waaye.  Joojiya qoraalada lagu ijaafeynayo Qalbi Dhagax iyo xaqiisa. 

4- In la faafiyo sharaxaad micnaha dowladnimo oo ah in dowladda ay shacabkeeda u khidmeyso oo ay karamaadeeda iyo xuquuqdeeda ilaaliso ama inay dowlad shisheeye u shaqeyso. 

5- Qofkii arintan ay dhab ka aheyn oo dan gaar ama lacag ama wax uun ku helayo Ilaahey ha xusuusto iyo aakhiro in lala xisaabtami doono oo uu san Ilaalin dano ashkhaas ama gaar oo uu hormariyo tan guud oo keliya si uu u badbaado adduun iyo aakhiro.  

Soomaaliya Ilaah ayey leedahay. 

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *