Statement by the People’s Party on the International Day for the Eradication of Poverty / Bayaan kasoo baxay Xisbiga Ummadda oo ku Aadan maalinta Caalamiga ee Ciribtirka Saboolinimada 

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA,XISBIGA UMMADDA |

Statement by the People’s Party on the International Day for the Eradication of Poverty / Bayaan kasoo baxay Xisbiga Ummadda oo ku Aadan maalinta Caalamiga ee Ciribtirka Saboolinimada 

October 17, 2018| Arlaadi Online

Image result for people's party

The People’s Party of Somalia, today issued the following statement:

Image result for International Day for the Eradication of Poverty Somalia

“let us remember that ending poverty is not a matter of charity but a question of justice.” — UN Secretary-General, António Guterres

Maalinta Caalamiga ee Ciribtirka Faqriga waa munaasabad caalami ah oo sanad kasta 17-ka October loo dabaal-dego. Qaramada Midoobay (QM) ayaa si rasmi ah u Aqoonsatay, hayeeshe abaabulkeeda wuxuu markii ugu horreysay ka hir-galay magaalada Paris ee dalka Faransiiska halkaas oo ku dhawaad 100,000 oo qof ay isugu imaadeen daarta xarunta Human Rights si ay u sharfaan dhibanayaasha saboolnimada, gaajada, qalalaasaha iyo baqdinta sanadkii 1987-dii.

Haddaba waxaa muhiim ah in aan qiimeeyno maanta oo ay taariikhdu tahay 17-ka bisha Oktoobar 2018 oo ku aadan Maalinta Caalamiga ee La dagaallanka Saboolnimada. Munaasabaddaas awgeed, waxaan mar kale tilmaameeynaa in xaaladda saboolnimo ee ka jirta Soomaaliya ay tahay mid aad looga naxo. Waxaa walbahaar leh in boqolkiiba 43.3 oo Soomaali ah ay ku nool yihiin nolol ka hooseyso xariiqda faqriga ee dunida oo aanay awoodin in ay helaan xitaa maalintii US$1.

Hadaba Maanta oo ah Maalinta Caalamiga ee ciribtirka Saboolnimda waxaa uu Xisbiga Ummadda ugu baaqayaa Dowlada Federaalka Arrimaha soo socda:

In si dhab ah loola dagaalamo Musuq-maasuqa oo ka mid ah sababaha ugu weyn ee keena Faqriga iyo Saboolnimada. Soomaaliya ayaa 11 sano oo xiriir ah kaalinta ugu hooseysa kaga jirta Musuq-maasuqa Aduunka. 

Madaxweyne Farmaajo ayaa ballanqaaday markii la doortay in uu Soomaaliya ka saari doono kaalinta ugu hooseysa oo uu gaarsiin doono Soomaaliya 10-ka dal ee ugu Musuq-maasuqa yar dunida.

Ballanqaadkaas ayaan ilaa hada fulin, waxaana fulin kara oo kaliya Madax daacad ah, Aragti dheer oo hadalkoodu iyo ficilkoodu iswaafaqsan yahay si loo helo dowlad wanaag, Madaxdaas oo hadafkoodu kaliya uu yahay badabaadinta Diinta, Dadka iyo Dalka taasoo ah mida uu u taagan yahay XISIBGA UMMADDA.

In dowladu shaqoo abuur u sameeyso dhalinyarada oo ah 70% mujtamaca Soomaaliyeed.

In la abuuro Wasaarad khaas u ah daryeelka Caruurta, waa inaysan dhicin in ilmo Soomaaliyeed uu ku seexdo gaajo.

In dib u dajin loo sameeyo barakacayaasha magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn XISBIGA UMMADDA wuxuu ka rabaa dowlada inay la timaado istraatiijiyad lagu dhimi karo saboolnimada ka jirta dalka iyo barnaamijyo lagu badbaadinayo Ummadda Soomaaliyeed iyo bay’adda ama degaanka.

Waxaan shaki lahayn in dhallaan kasta oo Soomaaliyeed oo fursad waxbarasho helaa inuu qayb ka qaadan doono nuurinta mustaqbalka DALKEENA.  

Halheeskeennu waa:  CIRIBTIRKA SABOOLINIMADA SOOMAALIYA (Eradication of Poverty)

“A successful country is one in which everyone can work hard and build a better future for themselves and their kids. 

Together, we can build a country where all Somalis have a fair and equal chance to succeed in life.”

Cadaalad, Midnimo, Nabad, Dowlad wanaag, Barwaaqo iyo Horumar Alle ha ugu deeqo Soomaaliya. Ha guuleysto Shacabka Soomaaliyeed.

WA BILLAAHI TAWFIIQ,

Inline images 1

Ahmed Nuur Arlaadi

Arladun@hotmail.com

Sii Hayaha Xisbiga Ummadda

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *