Talo Muhim ah oo ku socota Madaxweynaha Ummadda Soomaaliyeed Mohamed Abdullahi Farmaajo, Madaxweyne la hadal Dadkaaga oo qanci. Ahmed Arlaadi

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

Talo Muhim ah oo ku socota Madaxweynaha Ummadda Soomaaliyeed Mohamed Abdullahi Farmaajo, Madaxweyne la hadal Dadkaaga oo qanci. Ahmed Arlaadi

Arbaco September 13, 2017| Arlaadi Online 

Mudane Madaxweyne aniga oo Aan hadalka badinayan waxaan ku soo jeedin lahaa talo Aan isleeyahay wuu u baahan yahay Madaxweynuhu WAQTIGA ADAG IYO MARXALADA UU DALKU MARAYO DARTEED.

Madaxweyne mudadii Aad xilka haysay dowladu waxay qabatay arimo badan oo wanaag ah, waxay gaartay guulo wax ku ool ah, waxay dowladu qaadatay go’aamo sharaf iyo geesinimo leh, sida go’aankii dhex dhexaadka ahaa ee ay dowladu ka qaadatay khilaafka u dhaxeeya dalalka khaliijka.

Madaxweyne hoggaamiyaha wanaagsan waa mid guulo badan u horseeda dadkiisa, waxqabad badan la imaada, khaladaad Aan badnayna ku dhaca, khaladkaas oo la rabo in aysan hoggaamiyaha cabsi gelin, balse uu wax ka barto oo uu saxo si aysan mar kale usoo noqon.

Madaxweyne Shacabka Soomaaliyed iyaga oo weli jecel dowladooda ayey hadana waxa ay muujiyeen dareenkooda ku Aadan Arrinka Muwaadinka Soomaaliyed ee Qalbi Dhagax iyo sida aysan ugu qanacsanayan go’aanka xukuumada Soomaaliyed ay ugu dhiibtay Itoobiya, oo waxay shacabku leeyihiin maxaa diidaya in Anigana beri sida Qalbi Dhagax Caasimada dalkeyga la iga dhoofiyo oo la ii dhiibo Itoobiya, taasoo ah mid dhaawacaysa Madax-bannaanida Qaranka Soomaaliyed (Somalia’s Sovereignty) cabsi badana ku abuurtay ummadda Soomaaliyed.

Aamusnaanta Mudane Madaxweyne Aad ka Aamustay Arrinka Qalbi Dhagax iyo sida ay Xukuumadu u maareysay iyo go’aanka ay ka qaadatay Muwaadin Qalbi Dhagax waxay sii kala fogeeysay dowladii Shacabka iyo ummadda Soomaaliyed, waxaana ka faaideystay kooxo leh dano gaar ah oo raba inay iska horkeenaan dowlada iyo Shacabka, taaso Aanaan maanta u baahnayn bacdamaa ay dhaawacayso Rajadii Shacabka Soomaaliyed.

Ugu dambeyn Mudane Madaxweyne hadii Aad go’aansato inaad ka hadasho Arrinka Qalbi Dhagax marka hore waa inaad sameeyso dadaal Aad ku dooneyso in Qalbi Dhagax dib loogu soo celiyo dalka Soomaaliya hadii xitaa ay keenayso inuu sii xumaado xiriirka labada dal.

Waxaad kale oo ogaataa in hadalkaagu uu laba Arimood mid keeni doono, gaar ahaan Aamusnaantii dheerayd ka dib. Sidaa darteed waxaa muhim ah in si wanaagsan oo taxadar leh Aad uga fiirsato hadalada Aad ku hadli doontid, aniga oo jeclaan lahaa in Dr. Abdurahman Noor Sulub uu talo ka geeysto.

Maxay yihiin labada Arrimood ee ka dhalan kara hadalka Madaxweynaha?

A- Inaad dib usoo celiso Rajadii Shacabka, qirato khaladku haduu dhankaaga ahaa ama Aad saxdo khaladaadkii dhacay, dadkii ka dambeeyay iyo kuwii Ma’suuliyadooda dayacayna lala xisaabtamo oo ay ku jiraan kuwa Aan talo wanaagsan kaa siin Arrinkaan inta uusan dhicin iyo waxa ka imaan kara, si looga bogsado dhaawaca gaaray kalsoonida ummadda Soomaaliyed. Talaabadaas oo keeni doonta in lagu arko hoggaamiye geesi ah oo hal mar khaldamay, tusaale fiicana u ah dadkiisa.

B- Hadii Aan laga fiirsan qoraalka iyo hadalka Aad Mudane Madaxweyne u jeedinayso ummadda Soomaaliyed iyada oo marka hore Aan la sameeyn talaabooyin lagu saxyo khaladkii dhacay oo Aan lagula xisaabtamin dadkii ka dambeeyay. Markaan iyada ah hadalka uu Madaxweynuhu hadlo wuxuu sii dhaawici karaa Rajada shacabka Soomaaliyed iyo kalsoonida lagu qabo dowlada iyo hoggaminta Madaxwynaha.

Mudane Madaxweyne waxaan ku kalsoonahay sida inta badan ay shacabka Soomaaliyed qabaan inaad tahay wadani daacad u ah Diinta, Dadka iyo Dalka, waxaanse la qabaa sida ay qabaan inta badan shacabka Soomaaliyed inuu dhacay khalad weyn oo loo baahan yahay inaad la timaado geesinimadii Aad ku sixi lahayd.

Mahadsanid, Guul iyo Gobanimo, Nabad iyo Nolol. Soomaaliya ha guuleysato, Madaxweyne Farmaajo ha guuleysto.

W/D. Ahmed Nuur Arlaadi

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *