TALO SIIN KU SOCOTA MADAXWAYNAHA SOOMAALILAND. By. Sheiknor Abucar Qassim

March 13, 2018| Arlaadi Online

“Peace is not absence of conflict, it is the ability to handle conflict by peaceful means.” –Ronald Reagan

Dorothy Thompson — “Peace is not the absence of conflict but the presence of creative alternatives for responding to conflict”. 

Image may contain: 1 person, sitting

Mudane Mr. President,

Waxaan rumeysan nahay inay ku horyaaliin tallaabooyin adag oo loo baahan yahay inaad ku furdaamiso arrimaha dhinacyada badan leh ee maanta guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay ku  nool yihiin, haddana dhinaca kale waxaan ku kalsoonnahay inaad tahay qof qibrad iyo rabitaan u haya sidii loo heli lahaa tub toosan iyo siyaasad quman oo lagu xaqiijin karo yoolkaada kama dambeysta ah ee nabad iyo walaaltinimo Soomaaliyeed oo taabbogal ah.

Waxaan rumeeysnahay walaalaha Soomaalilnad inay adeegsadeen maskax fiyow oo caafimaad qabta, waxay awood u yeesheen inay tashadaan, heshiiyaan, iscafiyaan, wax wada qabsadaan, maamul sameystaan, nabadna ku wada noolaadaan tasoo maanta suura gelisay inay ku naaloodaan mirihii ka soo baxay isku tashigooda.

Mudane Madaxwayne,

Heshiis saddex geesood ah oo dhex maray maamulka Somaliland, shirkadda DP World iyo Itoobiya, ee lagu saxiixay in 51% saamiga horumarinta dekedda yeelanaya shirkadda DPW, 30% waxaa yeelaneysa Somaliland, halka 19% ay yeelaneyso Ethopia, waa heshiis aan aad looga fiirsanin oo aan lagala tashanin quburo iyo garyaqaano caalami ah si loo hubsado saamiga Soomaaliland inuusan ka yaraan 51% si hantidda ugu badan ay dadkaaga u helaan. Mudane Madaxwayne waxaad ogtahay in dowlada UAE shirkad iyo qofba aysan ku yeelan karin dalkooda saami ka badan 51% su’aasha waxay tahay mar hadeeysan ayaga ogolayn sidee bay dadkeena u ogolaan karaan?

Mudane Madaxwayne,

Waxaan kugula talinayaa arinkaan hada socdaa inaad u aragto fursad aad markale ku furi karto wada hadal iyo gorgortan DPW iyo Somaliland, si aad u hubsato inaad hesho saami qaybsiga 60%, waxaanan ka yareen, si dhaqaalahaas meesha ka soo baxo loogu kabo baahida dadka Soomaaliland, tani waxay kaloo fursad u tahay in la saxo qaladkii ay galeen dowladii adiga kaa horeeysay.

Waxaan u rajeeynayaa adiga iyo walaalaha Soomaaliland nabad iyo hurumar dhankasta ah, waxaan aaminsanahay markale in Soomaaliland ay mudan tahay in saamiga ugu badan ee dhulkeena hesho oo aan ka yaraanin 51%, mar haduu ajanabiga uu leeyahay 70% waxaa hubaal ah inaadan cod ku lahayn go’aanka dalkaaga..guuleesyta inshalaah.

Wa bilaahi Tawfiiq,

 Arlaadi Online. Education news, opinion and guides.