Thought for the day: Politicians are like diapers / Siyaasiyiintu waa xafaayad oo kale

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

Thought for the day: Politicians are like diapers / Siyaasiyiintu waa xafaayad oo kale

November 5, 2018| Arlaadi Online

Waxaa siyaasiyiinta loogu Eedayanayo inay la mid yihiin xafaayad ama diapers wasakhaysan oo  ay tahay in si joogta ah loo baddelo waa in badankood ay yihiin kuwo ku sifoobay been, ballan ka bax, tuuganimo iyo Musuq-maasuq.

Hadaan nahay Soomaali waxaan ku jirnaa kaalinta kowaad ee ugu hoseeysa Musuq-maasuqa aduunka 11-kii sano ee lasoo dhaafay.

Taas macnaheedu waxaa weeyaan in siyaasiyiinta Soomaalidu ay si dhaksaha ah u wasakhobaan oo ay muhim tahay in la baddelo 4-tii sano hal mar.

Ummadda Soomaaliyed waa inay si wada jir ah uga hortagto in 4 sano oo kale la doorto Madax siyaasiyiin ah oo Aan ahayn hogaamiyayaal kuwaas oo ilaashanaya danahooda gaarka. Waa in laga wada shaqeeyo helitaanka hogaamiyayaal sare oo daacad ah, si dhab ahna Diinta, Dadka iyo Dalka ugu Adeega.

Hadii kale aduunyadu sanka ayey naga qabsan, dalka Soomaaliya waa in xafaayad badalkaasu socdaa ilaa laga helayo siyaasiyiin xafaayadooda ilaashanaya oo DALKEENA ka saaraya kaalinta ugu hoseeysa ee Musuq-maasuqa Caalamka iyo kaalinta ugu hoseeysa ee dowlad wanaaga qaarada Afrika.

W/D. Ahmed Nuur Arlaadi

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *