Video| Daawo cadaalad daro aad u xun oo aan dunida ka dhicin, marka laga reebo Soomaaliya + Tacadiyada loo gaysto haweenka Soomaaliyeed waxaa kasii daran cadaalad darada lagu sameeyo

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

Video| Daawo cadaalad daro aad u xun oo aan dunida ka dhicin, marka laga reebo Soomaaliya + Tacadiyada loo gaysto haweenka Soomaaliyeed waxaa kasii daran cadaalad darada lagu sameeyo

February 27, 2019| Arlaadi Online

“Ciqaabta iyo Amaan xumida Dalkeena heysata Cadaalad Daradaa u sabab ah!”

Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo Yaasiin Cabdisamed Cumar oo yiri “Bishaan aan ku jirno ugu yaraan 4 dil iyo 5 kufsiya ayaa dhacay”.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in bishii January ee lasoo dhaafay ay 5 nin gabar ku kufsadeen magaalada Bacaadweyn oo Gabadhii la kufsaday ay ilaa maanta jiifto Isbitaalka Gaalkacyo.

MAXAASE DHACAY:

Ragii 5-ta ahaa ee Gabadha kufsaday waxay xirnaayeen 17 Maalmood oo kaliya waana lasii daayay, ka dib markii Odayaal ka socday Nimanka gabadha kufsaday iyo Odayaal kale oo la sheegay inay ka socdeen Gabadha la kufsaday ay ka heshiiyeen kufsigii iyo jir dilkii loo gaystay Gabadha. Arrinkaas oo fariin xun u ah kuwa wax kufsaday iyo kuwa la midka ah ee ku dayan doona una qaadanaya hadii ay kufsadaan gabar in maalmo ka dib la sii dayn doono.

SOOMAALIYA CADAALAD AYAY U BAAHAN TAHAY. DHAQANKA NOOCAAS AH EE ODAYAALKA SOOMAALIYEED WAA MID DULMINAYA HAWEENKA SOOMAALIYEED.

Fal dambiyeedka kufsiga ee lagula kaco haweenka Soomaaliyeed ayaa waahayaan danbe ku soo batay dalka gaar ahaan degaanada Puntland.

Soomaaliya waa dalka kaliya ee kufsiga arxan darada ah iyo tacadiyada loo gaysto haweenka lagu dhameeyey qaab wada hadal ah oo aanay helin wax cadaalad ah dhibanayaashii tacadiga loo gaystay, waxaana lagu dhameeyey wadahadal iyo laaluush la siiyo odayaasha gabdhaha tacadiyada loo gaysto.

Also watch: 

Image result for sheekh umal

KUFSIGA GABDHAHA & SHAREECADA ISLAAMKA SH. MAXAMED CABDI UMAL

W/D. Ahmed Nuur Arlaadi

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *