Video | Danjire Maxamed Caalim oo laga waraystay Musuq-maasuqa baahsan ee ka jira Soomaaliya iyo sida loo xalin karo + War-saxaafadeed kasoo baxay Dallada Bulshada Soomaaliyeed ee Yurub ee loo yaqaan (European somali Association)

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

Video | Danjire Maxamed Caalim oo laga waraystay Musuq-maasuqa baahsan ee ka jira Soomaaliya iyo sida loo xalin karo + War-saxaafadeed kasoo baxay Dallada Bulshada Soomaaliyeed ee Yurub ee loo yaqaan (European somali Association)

October 4, 2018| Arlaadi Online

Guddoomiyaha European Somalia Association Maxamed Caalim oo wareysi siiyey universal TV; asagoo ka hadlay Xaaladda musuqmaasuq ee ay soo saartay hay’adda uu gudoomiyaha u yahay ee la magac baxay
European Somali Association.

Dhinaca kale war-saxaafadeed kasoo baxay Dallada Bulshada Soomaaliyeed ee Yurub ee loo yaqaan (European somali Association), ayaa Baaq loogu jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Gobaleedyada iyo Hay’adaha Beesha Caalamka ugu Xil saaran Arrimaha Soomaaliya, kaas oo Ku aadan la dagaalanka Musuq-maasuqa

Musuqmaasuqu waa cadowga ugu weyn ee ka hor yimaada hor-u-marka, ay bulshada hiigsanayso.

Ha noqota mid dhinaca siyaasadda ah, mid dhaqaalaha ah. Waxaanu hoos u dhigaa Dawlad-Wanaaga iyo Dimuqraadiyadda.

Dhibka ugu badan hada waa iibsiga kuraasta xildhibaanada iyo xilalka dawladnimo. Dulmiga lagu hayo Dumarka shaqadoonka ah oo shuruud lagu xiro dumar nimadooda lagu liidayo. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka.

AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA OO KU QORAN LUUQADA ENGLISH-KA.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *