Video | Danjire Maxamed Caalim oo laga wareystay Aragtidiisa Shirka Maamul goboleedyada ee Kismaayo oo uu cabsi badan ka muujiyay. Maxay tahay Aragtida Caalim? Muxuuse u taageeray Maamul goboleedyada?

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

Video | Danjire Maxamed Caalim oo laga wareystay Aragtidiisa Shirka Maamul goboleedyada ee Kismaayo oo uu cabsi badan ka muujiyay. Maxay tahay Aragtida Caalim? Muxuuse u taageeray Maamul goboleedyada?

September 5, 2018| Arlaadi Online

Related image

Dnjire Caalim ayaa sheegay oo yiri “Fulin la’aanta heshiisyada ay galaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa sabab u ah inuu yimaado khilaafka soo laalaabtay ee dowladda iyo maamulada dalka”.

Mudane Caalim  ayaa hadalkiisa ku daray oo sheegay “Hadii khilaafkan xal loo waayo inay dhici karto in mooshin weyn ay soo abaabulaan kooxa siyaasadeedka kala danta ah Kuna mideysan inay xilka ka qaadaan madaxweyne Farmaajo iyagoo u soo maraya dhinaca baarlamaanka dawlado shisheeyana dhaqaale ka helaya, arrinkan waa suurtagal marka aad eegtid sida loo kala fogaadey”.

Danjire Caalim waxaa uu warkiisa kusoo xiray isaga oo leh “Waxaa iska cad in Qalalaasaha siyaasadeed ee waqtigan taagan uu yahay mid awood lagu kala bixi doono oo dhinaca baarlamaanka ka timaada”. Halka hoose ka daawo wareysiga Caalim.

Credit: Horyaal TV

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *