Video| Deg Deg Ah Sababta uu Isku Casilay Wasiir Gelle, Go`aanka Farmaajo & Khayre ee shirka Garoowe, Shariif Xasan oo Nairobi ka wada olole ka dhan ah DF + Mucaaradka oo diyaarinaya qorshe xilka looga qaadayo RW Khayre ka dib markii uu ku fashilmay hoggaaminta dalka

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

Video| Deg Deg Ah Sababta uu Isku Casilay Wasiir Gelle, Go`aanka Farmaajo & Khayre ee shirka Garoowe, Shariif Xasan oo Nairobi ka wada olole ka dhan ah DF + Mucaaradka oo diyaarinaya qorshe xilka looga qaadayo RW Khayre ka dib markii uu ku fashilmay hoggaaminta dalka

May 1, 2019| Arlaadi Online

Daahir Geelle

Daahir Geelle

Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay in isaga iyo madaxda dowladda ay ku kala aragti duwan yihiin arrimo badan, sidaas darteed uu go’aansaday inuu xilka ka dego.

Wasiirka ayaa sheegay in kadib 11 bilood oo uu xilka hayey ay suurta-gali weyday in aragtidiisa siyaasadeed uu dowladda ku biiriyo, sidaas darteed ay fududahay inuu isaga xilka ka tago oo tan madaxda sare la dayo.

Waxyaabaha uu xusay ayaa waxaa ka mid ah siyaasadda arrimaha dibedda dowladda iyo habka dowladda ay ula macaamisho mamaul goboleedyada dalka.

Go’aanka uu qaatay ayuu sheegay inuu yahay mid aan deg deg ahayn, balse uu muddo ku taamayey.

Haaruun Macruuf oo Wasiirka kula xiriiray khadka taleefanka ee Muqdisho, ayaa ugu horeyn weydiiyay, sababta uu isu casilay.

DHAGEYSO: Information Minister Dahir Mohamud Gelle resigns just 11 months into his job. Here is Harun Maruf’s exclusive interview with the minister. VOA

Video: GARAAD TV

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *