Video| Fadeexo:  Goodax Barre oo ku tilmaamay xildhibaano uu ka mid yahay Xildhibaan Mahad Saalad Al-shabaab

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

Video| Fadeexo:  Goodax Barre oo ku tilmaamay xildhibaano uu ka mid yahay Xildhibaan Mahad Saalad Al-shabaab

April 6, 2019| Arlaadi Online

Wasiir/Xildhibaan Goodax “Wakiilo Shabaab oo magac Xildhibaan ku jooga Baarlamaanka ayaa fowdada abuuray.”

Mudane Goodax iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa 20 sano ka badan ku kala noolaa dalalka Canada iyo Mareykanka, balse labaduba waxba kama baran nidaamka dowlad-nimo, dhismaha Institutions adag oo shaqeeya, xuquuqada ay leeyihiin Mudanayaasha Baarlamaanka iyo Mucaaradka, xoriyada saxaafada iyo dowlad wanaaga.

Waana mid keentay maanta in Goodax uu si public ah ugu xadgudbo xildhibaano kala tirsan Baarlamaanka oo kaliya ka aragti duwan kuna tilmaamo inay ka mid yihiin Argagixisda Al-shabaab.

Hadii uu Goodax ogaan lahaa in dalka uu ka jiro sharci iyo kala dambeeyn sidaas uma hadleen, hadase wuxuu u arkaa in Madaxweynuhu ka sareeyo sharciga ayna isku xulufo yihiin.

Mudane Goodax waa in la weeydiiyo inuu hayo cadeeymo muujinaya Eedeeynta uu u jeediyay xildhibaanda? Hadii kale waa in xildhibaandu ka dacwoodaan dambiga uu ka galay Wasiir Goodax, ama ugu yaraan dalbadaan in Goodax uu si public ah u sheego in xildhibaandu aysan Al-shabaab ka mid ahayn raali galina ka bixiyo hadalkii khaldanaa ee uu ka hor sheegay saxaafada.

Video” Daljir

Faalada: Ahmed Arlaadi

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *