Video | Heesta Doqomada. Doqoneey Dabkaa Ba’. Farmaajow Dabkaa Ba’. Xasan Aadan Samatar

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

Video | Heesta Doqomada. Doqoneey Dabkaa Ba’. Farmaajow Dabkaa Ba’. Xasan Aadan Samatar

June 7, 2019 | Arlaadi Online

Taariikhdu wax bay hagtaa, dadkuna wuu haybsadaa, adduunkuna waa hayaan, hir doog laa lagu socdaa, hoggaankuna waa cilmiga, naftaada lama hagrado, qeyrkaa ka har waa habaar…(War Helaa, Talo Hela).

Kooxda doqomada ah ee uu Farmaajo Madaxda u yahay waxay u qaateen inay wax walba yaqaaniin kana maarmaan Aqoonyahanka Soomaaliyeed, waana mida keentay inay si xun ugu fashilmaan siyaasada arrimaha dibada, dhaqaalaha, Amniga, Cadaalada, dowlad wanaaga iyo guud ahaan hoggaaminta dalka.

Illeyn doqoni

Deyr ka ma kacdee
Daamankay meermisaa
Docday kaa jirtaa bay 
Dhaxani kaa dishaaye
Ma diirsado walaalkeed
Intay dunida joogtee
Doqoneey dabkaa ba’

Da’deedoo hawl 

U darbban bay huruddaa

Hoygeeda oo aan diidin

Bay daayacdaa
Dawarsi iyo tuugsashay
Ka doorataaye ma dad baa?
Doqoneey dabkaa ba’

Illeyn doqoni 
Dayr ka ma kacdee
Daamankay meermeerisaa
Ruux daga ma weydee 

Dabin ka ma fogaatee
Markay galaq tiraahday

Ilmada daadisaaye

Doqoneey dabkaa ba’

Xarigga labo dibleynayay soohataa
Dabarka lagu xirahayaa loo diraa
Daleedahay sidaa 
Ka doorataaye ma dad baa?

Ma taqaanno dawgoo
Dabool baa ka saarane
Dareen ma laha garan kara
Arrimaha danteedee
Doqoneey dabkaa ba’!

Tacliinta oo loo dareeray
Bay dacal martaa
Daruustoo la qaadan sahashataa
Jaahilnimay ku daa’intaaye, ma dad baa?
Doqoneey doqoneey dabkaa ba’!

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides.    

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *