Video | Labada Madaxweyne ku-xigeen ee Puntland iyo Galmudug Eng Camey iyo Carabeey oo qaadacay war-murtiyeedkii kasoo baxay Shirka Kismayo, halka Madaxweyne Gaas iyo Xaaf ay taageereen go’aanadii kasoo baxay shirka

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

Video | Labada Madaxweyne ku-xigeen ee Puntland iyo Galmudug Eng Camey iyo Carabeey oo qaadacay war-murtiyeedkii kasoo baxay Shirka Kismayo, halka Madaxweyne Gaas iyo Xaaf ay taageereen go’aanadii kasoo baxay shirka

September 9, 2018| Arlaadi Online

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng Cabdixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar ayaa qaadacay war murtiyeedkii kasoo baxay Shirka Kismayo kaasoo ay Maamul goboleedyadu xiriirka ugu jareen Dowlada dhexe, halka Gaas uu taageeray.

Waxaa sidoo kale go’aandadii kasoo baxay shirka Kismaayo qaadacay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed xaashi cabdi Carabeey, halka Xaaf uu taageeray.

Khilaafkii u dhaxeeyay Madaxda Dowlada dhexe iyo Madaxda Dowlad goboleedyada ayaa hada laga cabsi qabaa inuu u gudbo Maamul goboleedyada. Dhinaca kale sida uu Maamul goboleeyadaa khilaafka saameeynta ugu yeeshay ayaa laga yaaba inuu dowlada dhexe iyadana uu saameeyo dagaalka siyaasadeed ee labada dhinac hadii aan xal loo helin xaalada taagan.

Madaxweyne Kuxigeenka galmudug, Maxamed xaashi cabdi Carabeey oo ka hadlay kana hor yimid xiriirka Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada u jareen dowlada federaalka

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *