Video|  Madaxweyne Lafta-gareen oo yiri waxaan ku shaqeeyn doonaa rabitaanka SHACABKAYGA IYO TALADOODA, DHAMAAN WAXAAN NAHAY HAL TEAM” + Wejiga Koowaad Dib u heshiisiinta Deegaanada Koonfur Galbeed oo la soo Geba-Gabeeyay.

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

Video|  Madaxweyne Lafta-gareen oo yiri waxaan ku shaqeeyn doonaa rabitaanka SHACABKAYGA IYO TALADOODA, DHAMAAN WAXAAN NAHAY HAL TEAM” + Wejiga Koowaad Dib u heshiisiinta Deegaanada Koonfur Galbeed oo la soo Geba-Gabeeyay.

January 23, 2019| Arlaadi Online

Image may contain: 9 people, people sitting

Image may contain: 4 people, people sitting

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa xalay lagu qabtay munaasabad lagu soo xirayay wajiga koowaad ee dib-u-heshiisiinta deegaanada koonfur Galbeed iyo taageerida Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Munaasabada waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka, madaxweynaha dowlad Goboleedka koonfur Galbeed soomaaliya ,wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa ku dheeraaday waxyaabaha ugu horeeya ee maamulkiisa uu Xooga Saari doono isaga oo sheegay in qof walba oo ah oo Reer koonfur Galbeed uu heli doono adeegyada bulshada ee uu xaqa u leeyahay.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed uga mahad celiyay Howlaha dib u heshiisiinta ah ee uu wado isagoo dhanka kalena la dardaarmay bulshada koonfur Galbeed.

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *