Video SHALAY IYO MAANTA | Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Koonfur galbeed shalay wuxuu yiri “Waxaan go’aansanay inaan soo celino oo dib u doorano Shariif Xasan.” Maantana wuxuu leeyahay waan iscasilnay oo Guddigu wuxuu shaqada ka wadi waayay dowlada dhexe 

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

Video SHALAY IYO MAANTA | Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Koonfur galbeed shalay wuxuu yiri “Waxaan go’aansanay inaan soo celino oo dib u doorano Shariif Xasan.” Maantana wuxuu leeyahay waan iscasilnay oo Guddigu wuxuu shaqada ka wadi waayay dowlada dhexe 

November 5, 2018| Arlaadi Online

15 ka mid ah Guddigii Doorashada KGS oo uu Shariif Xasan gacantiisa ku sameystay wey iscasileeen. Waayo waa kuwo wax loo meeeriyo!! Ma garanayaan ummmadda inay u shaqeeyaan.

Halka hoose ka daawo taya xumada Guddiga doorashada Koonfur galbeed oo uu Shariif Xasan gacantiisa kusoo wada xushay. Shariif Xasan oo markii horeba si sharci daro ah kula wareegay talada iyo Maamulka Koonfur galbeed ayaa ku talo galay inaysan marnaba gacantiisa ka bixin Koonfur galbeed.

Waxaa uu Shariif Xasan dhowr jeer si toos ah ugu tuntay dastuurka Koonfur galbeed, malaha Madaxweyne ku xigeen sida uu qorayo dastuurka Koonfur galbeed.

Wuxuu ku daray liiska xildhibaanada Koonfur galbeed 52 xildhibaan oo dheeraad ah oo aan ku qornayn dastuurka kuwaasoo uu ku sheegay xildhibaano sharafeed.

Wuxuu 33 ka mid xildhibaanada u magacaabay wasiiro iyo wasiir ku xigeeno. Inta badan ama 98% waa Xildhibaano iyo wasiiro Aan wax qorin waxna akhrin, waana sababta keentay in Xildhibaanada uu shariif Xasan kusoo xushay jaahilnimada loo daad gureeyo magaalada Magaalada Muqdisho, oo waxaa la sheegay inay haatan Xamar ku sugan yihiin 105 ka mid ah xildhibaanada Koonfur galbeed.

Mar kale waxaan Shariif Xasan kula talin lahaa inuu ka tanaasulo Murashaxnimadiisa oo uu fiiriyo danta Shacabka Koonfur galbeed oo uu dulqaadkii ka dhamaaday iyaga oo raba isbaddel siyaasadeed oo ka dhaca Koonfur galbeed.

SHALAY

MAANTA

W/D. Ahmed Nuur Arlaadi

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *