Video | Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya oo RTN TV uga waramay Eedaymo loo Jeediyey oo uu iska Fogeeyey. “NISA Been Abuur Ayey Sameysay.” Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

Video | Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya oo RTN TV uga waramay Eedaymo loo Jeediyey oo uu iska Fogeeyey. “NISA Been Abuur Ayey Sameysay.” Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar

November 4, 2018| Arlaadi Online

Dagaalka ka dhex billowday kooxaha Damul-jadiid iyo Nabad iyo Nolol ayaa wax badan bannaanka soo dhigi doona oo horay uga qarsoonaa Ummadda Soomaaliyeed, Soomaalidu waxay tiraahdaa “Marka ay tuugadu dagaasho ayaa la helaa wixii la xaday.”

Waxaase nasiib darada ugu weyn ay tahay in labada kooxood ee kala ah Damul-jadiid iyo Nabad iyo Nolol ay isku dar dalka xukumayeen 7-dii sano ee ugu dambeeysay, mudadaas oo Soomaaliya lagu sheegay inay tahay dalka ugu Musuq-maasuqa badan caalamka oo aan galay kaalinta ugu hoseeysa 11-kii sano oo xiriir ah.

Sidoo kale dalka Soomaaliya wuxuu kaalinta ugu hoseeysa kaga jiray qaaradka Afrika dhinaca dowlad wanaaga, Soomaali ayaa gashay kaalinta 54-aad oo ah mida ugu hoseeysa Afrika ee 54-aad.

Waxaas oo ceebo ah waxay wada dhaceen mudadii ay dalka ka talinayeen Xasan Sheekh iyo Farmaajo iyo labada kooxood ee ay kala hogaamiyaan ee Damul-jadiid iyo Nabad iyo Nolol.

Labada kooxood ee dalka la degay dhinac walba oo la Eego ayaa hadana raba oo uu damac ka hayaa inay dalka mar kale ka taliyaan iyaga oo sameeystay Xisbiyo cusub, waana waxa sababta u ah dagaalka hada ka dhex billowday.

Gunaandadka hadalku waa Labada kooxoodba dan uma aha Soomaaliya oo waa la tijaabiyaya waana ay wada fashilmeen.

Also watch: Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar oo qabtay shir jaraa’id “Ma qaadi doono guulwadow Siyaad mana cabsanayo.”

Video: RTN TV & Caasimada

W/D. Ahmed Nuur Arlaadi

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *