Video | Wasiiru Dowlaha Maaliyadda ee DF Maxamuud Xayir Ibraahim oo ay ku adkaatay ka jawaabista su’aal uu Xildhibaan Fanax ku weeydiiyay Afka Maayga + Xaruunta Horumarinta Afka Maayga oo dacwad ka gudbisay Wasiir Xayir ka dib markii ay dhalileen jawaabta uu Wasiir Xayir siiyay Xildhibaan Fanax

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,XISBIGA UMMADDA |

Video | Wasiiru Dowlaha Maaliyadda ee DF Maxamuud Xayir Ibraahim oo ay ku adkaatay ka jawaabista su’aal uu Xildhibaan Fanax ku weeydiiyay Afka Maayga Xaruunta Horumarinta Afka Maayga oo dacwad ka gudbisay Wasiir Xayir ka dib markii ay dhalileen jawaabta uu Wasiir Xayir siiyay Xildhibaan Fanax

October 8, 2018| Arlaadi Online

Wasiir Xayir oo Aan fahmin su’aasha uu Xildhibaan Fanax ku weeydiiyay Afka Maayga ayaa ku yiri Xildhibaan Fanax “Su’aasha waad iska khasaarisay malaha dad kale ayaad la hadlaysay”.

Xildhibaan Fanax “Wasiir-Dowlaha Maaliyadda Waxa uu u Gafay Qowmiyada ku hadasha Afka Maayga, Sharciga ayaan la Tiigsanayaa “.

Halka hoose ka akhriso warqada dacwada ah ee laga gudbiyay Wasiiru Dowlaha Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya – Mr. Xild. Mohamud Xayir Ibrahim

Taariikh: 08/10/2018

TO. Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya -Muqadishu

TO: Xafiiska Madaxtoodya ee Dolwaladda Federaalka Soomaaliya – Muqadishu

TO: Xafiiska Raiisulwasaraaha Soomaaliya – Muqadishu

OG: Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka – Mugadishu

Ka: Xarunta Horumarina Afka Maayga ( Af-Maay Development Center)

Ujeedo: Dacwad Ku Socota Wasiiru Dowlaha Maaliyadda ee Dowladda Federalka Soomaaliya – Mr. Xild. Mohamud Xayir Ibrahim

Anagoo ku hadlayna magaca Xarunta Horumarinta Afka Maayga (Maay Development Center) waxaan halkaan ku codsnaeynaa in Wasiiru dowlaha maaliyadda ee dowladda federalka Soomaaliya Xild. Mohamud Xayir Ibrahim, in laga qaado talaabo sharci ah, oo ku saabsan dambi cad oo uu ka galay dadka ku hadla Afka- maayga. Wasiiru dowlaha maaliyadda ee dolwaddda Federalka Soomaaliya, waxaaa uu galay labo dami oo kala ah:

1. Mid waxaa uu ka galay bulshada ku hadasha afka Maayga.

2. Mid dastuuri oo sharciga dowaldda federalka, kan anshaxa iyo waxa meesha ka cadaaday aqoondarada in uusan u qalmin masuuul dowladeed iyo mid deegaan.

Hadaba, waxaan ka codsanaynaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xafiiska Madaxdooyada ee dowladda Federaalka Soomaaliya in arinaas ay ka qaadaan talaabada ku hahoon ee sharciga ah qadafka iyo dambiga uu galay wasiiru dowlaha maaliyadda ee dowladda Federalka Soomaaliya Xild. Mohamud Xayir Ibrahim.

Xarunta Hurumarinta Afka Maayga waxa ay amaan gaar iyo mahadcelin u soo jeedineysaa Xildhibaan Maxamed Isak Osam,(Fanaxa), oo sida geesinimada iyo asluubta ku dhisan uu fikirkiisa uga soo horjeediyaya baarlmaanka federaalka Soomaaliya iyo sida uu u difaaco mar kasto dhaqankiisa iyo luqadiisa hooyo (Af-Maay).

Mahadsanidiin.

Xarunta Horumarinta Afka Maayga/Social Justice Activist
Abdulkadir Abukar Sheikh
Email: afmaaydevelopmentcenter@gmail.com

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *