War deg deg ah | Farmaajo oo markii labaad codsaday in 10 cisho lagu daro waqtiga doorashada Koonfur galbeed 

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

War deg deg ah | Farmaajo oo markii labaad codsaday in 10 cisho lagu daro waqtiga doorashada Koonfur galbeed 

November 29, 2018| Arlaadi Online

Image may contain: text

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in shir deg deg ah ay hada ku jiraan guddiga doorashada Koonfur galbeed, Shariif sheekhuna oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanaka KGS iyo labada guddoomiye kuxigeen.

Guddoomiye Sheekhuna iyo labada Guddoomiye ku xigeen ay dadaal ugu jira inay ka gadaan guddiga doorashada in waqtiga doorashada oo ahayd inay dhacdo 5ta December, 2018 lagu daro 10 cisho oo dheeraad ah, 10-kaas maalmood oo uu soo codsaday sida la sheegay Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa kale oo la sheegaiy in Sheekhuna iyo team-kiisa ay isticmaalayaan hanjabaadyo iyo ballanqaad lacageed si ay Guddiga ugu khsbaan ogolaashaha codsiga Farmaajo.

Wixii kusoo kordha arrimahaan kala soco wararkeena dambe Inshallah.

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *